Iyadoo Qaawan Ayuu Bannaanka Uga Saaray Qolka Hotelkii Ay

Ryan Giggs ayaa fadeexado ku dhex jira xilli ay ku socoto dacwadda gacalisadiisii hore oo ay maxkamadda iskula jiraan.

Halyeyga Manchester United ayaa hore loogu eedeeyey in uu dhaawacyo gaadhsiiyey xaaskiisii hore ee Kate Greville oo 36 jir ahayd, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda ku yaallay Worsley, Greater Manchester markii ay taariikhdu ahayd November 1, sannadkii hore.

Dhaawacyada uu gaadhsiiyey Kate Greville ayaa toddobaadyo kasii muuqanayay, waxaanay warbaahintu sawireen iyadoo wajiga nabarro kaga yaallaan kaddib maalmo ay is-qarinaysay.

Giggs ayay booliskugu ugu yimaaddeen guriga waqtigaas waxaana lagu soo oogay dacwado iyadoo ay Kate iskaga guurtay markii uu nabarrada gaadhsiiyey, dacwadduna ku bilaabantay.

Kiiska loo haysto Giggs ayaa intan kasii badan, waxaana jira dhacdooyin hore oo hadda maxkamadda la horkeenay oo la xidhiidha dhibaatooyinkii uu u geystay xaaskiisa, waxaana xataa soo baxday in uu gacan u qaaday oo uu si xun u garaacay Emma Greville oo ah gabadh ay walaalo yihiin xaaskiisa Kate.

Ryan Giggs ayaa maxkamadda Manchester Crown Court ka sheegay maanta in aanu wax dembi ah lahayn, laakiin fadeexado kale ayaa lasoo bandhigay isla maanta.

Maxkamadda ayaa waxa laga hor-sheegay in Ryan Giggs uu dabada ka laaday xaaskiisa, isla markaana dibedda uga soo saaray qol ay ka degganaayeen hotel iyadoo waliba qaawan.

Dadka yaqaana Ryan Giggs ayaa si aad ah u hadal-haya dhacdadan, waxaanay is-weydiinayaan sida ay uga suurtogashay laacibkan hore ee Manchester United, in xaaskiisa oo qaawan uu bannaanka usoo saaro iyadoo waliba joogtay hotel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More