ISKU-DHAF: Shaxda Isku-dhafka Real Madrid & Liverpool Oo Lasoo Saaray

Real Madrid ayaa waajahaysa Liverpool oo lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ay Salaasada ku ciyaarayaan garoonka Alfredo Di Stefano ee magaalada Madrid.

Ciyaarta labaad ayay Liverpool noqon doontaa midda garoonkeeda loogu tegayo, laakiin labada ciyaarood ba waxa xamaasaddooda hoos u dhigaya garoomada madhan ee xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ay ka maqan yihiin taagereyaashu.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan waqti hore macasalaamaysay Copa del Rey iyo Spanish Super Cup, waxayse gadaal kasoo noolaatay horyaalka LaLiga oo ay tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay wax guul-darro ah arag, taas oo ciyaartoyda kooxda niyad-dheeraad ah siinaysa.

Liverpool ayaa iyaduna ku jirta xilli ciyaareed dhibaato badan oo ay difaacan kari waayeen horyaalka ay sannadkii hore ku guuleysteen, waxaana indhahooda oo shan ah, kulamo badanna ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka ay sugayaan kaliya waqtiga Manchester City ay qaadanayso koobkii ay difaacan lahaayeen.

Laakiin niyadda wanaagsan ayaa waxay tahay in labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay guulo gaadheen, isla markaana bandhig fiican sii raacdsadeen iyagoo soo nooleeyey rajadoodii ahayd in ay afarta sare soo galaan.

Labadan kooxood ee Real Madrid iyo Liverpool ayaa isku-darkooda ku guuleystay 19 Champions League, waxaana tirada badan haysata kooxda reer Spain oo 13 mar ku guuleysatay, halka Liverpool ay lix koob oo Champions League ah haysato oo ay tahay kooxda afraad ee ugu badan hanashada koobkan.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda isku-dhafka ciyaartoyda labada kooxood ee ka hor kulanka.

Goolhayaha ayaa loo doortay Alisson Becker oo inkasta oo ay kooxdiisu daalaa-dhacayso, isla markaana uu qaladaad sameeyey, haddana qaab ciyaareedka uu xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey samaynayay uu ka sarreeyo midka Thibaut Courtois.

Difaaca ayay labada kooxoodba ka dhaawacan yihiin rukumadoodii adkaa, waxaana ciyaartan aan nasiib u helin Sergio Ramos iyo Virgil van Dijk oo ay xaqiiqo tahay in ay shaxdan kusoo bixi lahaayeen haddii ay taam noqon lahaayeen.

Nacho iyo Varane ayaa difaaca dhexe loo doortay, halka Alexander-Arnold iyo Robertson ay iyaguna dhinacyada taagan yihiin.

Khadka dhexe ayay Luka Modric iyo Toni Kroos kasoo hormareen Thiago Alcantara iyo Gini Wijnaldum, waxaana kaliya soo saddexeeyey Fabinho oo booska kala baxay laacibka ay isku waddanka yihiin ee Casemiro.

Weerarka ayay Liverpool ciyaartoyda ugu badan ku leedahay, waxaana shaxda isku dhafka ku jira Sadio Mane iyo Mohamed Salah, hase yeeshee Karim Benzema ayaa dhexdooda ku jira, halka Firmino aanu soo gelin liiska.

Shaxda isku-dhafka labada kooxood

Goolhaye: Alisson Becker 

Difaaca: Robertson, Nacho, Varane, Alexander-Arnold

Dhexda: Modric, Fabinho, Kroos

Weerarka: Mane, Benzema, Salah

SHAXDA OO SAWIR AH:

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More