ISKU-DHAF: Shaxda Isku Darka Ah Ee Kulanka Man United vs Liverpool &

Shabakadda Each day Mail ayaa soo xulatay shaxda isku dhafka ah ee kooxaha Manchester United iyo Liverpool kahor kulanka labada kooxood ku dhex mari doona caawa gegida Outdated Trafford ee ka tirsan toddobaadka 34-aad ee horyaalka Premier League.

Kulankaas ayaa ah mid ay Man United musiibo ku dhex dhigi karto rajada Reds ee usoo bixitaanka Champions League halka haddii Liverpool ay meel iska saarto Crimson Devils ay horyaalka u xaqiijinayso Manchester Metropolis.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxda Each day Mail ayaa ah Alisson Becker, shabaq-ilaaliyaha ree Brazil oo wakhtiyo adagi soo mareen xilli ciyaareedkan ayaa kasoo hormaray David De Gea iyo Dean Henderson maadaam oo uusan midna joogto ahayn labadooda oo la isku bed-bedelay.

Daafaca dhexe ee shaxdan ayaa ah lamaanaha doorkaas ee Man United ee Victor Lindelof iyo Harry Maguire oo laga doorbiday xiddigaha xilli ciyaareedkan Liverpool halkaas uga ciyaaraya ee uu kamid yahay Ozan Kabak.

Daafaca midig ayaa ah Tren Alexander Arnold oo laga doorbiday Aaron Wan-Bissaka halka uu Luke Shaw booska daafaca bidix kala baxay Andrew Robertson.

Bur-buriyaha shaxdan ayuu Each day Mail u doortay xiddiga ree Brazil ee Fabinho halka labada khad dhexe ee ka horreeyaa ay yihiin Bruno Fernandes iyo Paul Pogba oo labaduba muhiim u ah hal abuurka Manchester United.

Saddexleyda weerar ee shaxdan ayaa kala ah Marcus Rashford oo markale Man United caawinaya, Edinson Cavani oo qaab ciyaareed fiican ku jiray kulamadan ugu dambeeyay iyo Mohamed Salah oo markale kabta dahabka ah ee gool dhalinta u tartamaysa.

Shaxda Oo Kooban: Alisson, Alexander-Arnold, Maguire, Lindelof, Shaw, Fabinho, Pogba, Fernandes, Rashford, Cavani & Salah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More