Isku-Aadka Isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 Ee Qaaradda

England ayaa ka mid noqotay 10ka kooxood ee lagu daba-fayli doono isku-aadka koobka Adduunka 2022 isreeb-reebka ay u gelayaan waddamada Yurub, kaddib markii ay FIFA soo saartay qiimaynta waddamada.

FIFA ayaa shaacisay tobanka waddan ee ugu sarreeya qiimaynta dunida oo ay kaalinta afraad kaga jirto England, waxaanay taasi keenaysaa in isreeb-reebka Koobka Adduunka ee la samayn doono December 7 ay kala badbaadaan waddamada waaweyn, sida Belgium iyo Faransiiska.

Waddamada qaaradda Yurub ayaa dhowaan bilaabi doona kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka oo ay kasoo bixi doonaan dalalka uga qayb-geli doona Koobka Adduunka ee sannadka 2022 lagu qaban doono waddanak Qatar.

Qiimayntii ugu dambaysay ee ay FIFA soo saartay ayaa saldhig u noqon doonta isku-aadka dalalka Yurub, waxaana hadda si buuxda loo ogyahay tobanka waddan ee lagu daba fayli doono.

Waddamada lagu daba-faylayo ayaa waxay kala yihiin: Belgium, France, England, Portugal, Spain, Italy, Croatia, Denmark, Germany iyo Netherlands.

Qaabka ay 55ka waddan ee Yurub ee isreeb-reebka u galaya Koobka Adduunka iyo sida ay ugu kala jiri doonaan dhalooyinka:

Pot 1: Belgium, France, England, Portugal, Spain, Italy, Croatia, Denmark, Germany, Netherlands.

Pot 2: Switzerland, Wales, Poland, Sweden, Austria, Ukraine, Serbia, Turkey, Slovakia, Romania.

Pot 3: Russia, Hungary, Republic of Ireland, Czech Republic, Norway, Northern Ireland, Iceland, Scotland, Greece, Finland.

Pot 4: Bosnia and Herzegovina, Slovenia, Montenegro, North Macedonia, Albania, Bulgaria, Israel, Belarus, Georgia, Luxembourg.

Pot 5: Armenia, Cyprus, Faroe Islands, Azerbaijan, Estonia, Kosovo, Kazakhstan, Lithuania, Latvia, Andorra.

Pot 6: Malta, Moldova, Liechtenstein, Gibraltar, San Marino.

Qiimayntii ugu dambaysay ee FIFA iyo tobanka waddan ee ugu sarreeya:

1. Belgium

2. France

3. Brazil

4. England

5. Portugal

6. Spain

7. Argentina

8. Uruguay

9. Mexico

10. Italy

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More