Iska ilow Van Nistelrooy, Bergkamp, Drogba & Cantona – Rooney
Xiddigii hore ee kooxda Man United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa loo magacaabay weeraryahankii ugu fiicnaa ee aan reer England ahayn taariikhda Premier League isaga oo meesha ka saaray magacyada waaweyn ee uu qof walba u malaynayay in ay noqonayso dookhiisa koowaad.
Manchester United ayaa safka hore kaga jirtay naadiyada diley weeraryahanada dilaaga ah iyo cabsi gelinta kooxaha kale, iyagoo ka caawiyey inay noqdaan kooxda ugu guulaha badan horyaalka tan iyo 1992.
Xiddigaha ay ka midka yihiin Ruud van Nistelrooy, Eric Cantona, York iyo Andy Cole ayaa ka qayb qaatay guusha Man United, laakiin ciyaartoy kale oo magac leh ayaa iyaguna guulaystay.
Arsenal ayaa ugu cadcad shisheeyaha Premier League, oo ay ku jiraan Thierry Henry iyo Dennis Bergkamp.
Sikastaba, Wayne Rooney ayaa laga codsaday inuu doorto ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda Premier League, weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa toddobaadkan shaaciyay inuu ka tagayo Etihad Stadium toban sano kadib. Laakiin isagu wuu ka horeeyaa Thierry Henry booska koowaad. “
Su’aal ahayd, Rooney wuxuu ku jawaabay: “Aguero wuxuu ahaa mid cajiib ah waana hubaal inuu halkaas gaadhay, laakiin haddii aad i weydiiso weeraryahanka ugu fiican waa Thierry Henry.
“Waxaa jira ciyaartoy kale oo ajnabi ah oo aan la imaan karo Henry, sida Aguero, Ruud Van Nistelrooy, Dennis Bergkamp iyo Eric Cantona.”