Iska Ilow Bruno Fernandes & Pogba – Labada Ciyaartoy Ee Ku Tartamaya

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan samaysay horumar ciyaareed oo ay ku xaqiijisatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League iyo finalka Europa League oo ay soo gaadhay, waxaana natiijadan wanaagsan sabab u ahaa bandhigga fiican ee ay ciyaartoydu sameeyeen.

Abaal-marinta xiddiga sannadka Manchester Untied ayay ciyaartooyo dhawr ahi ku tartami doonaan, laakiin waxa meesha ka baxaya David de Gea oo dhawr sannadood oo isku xigta ku guuleystay balse sannadkan lumiyey booskiisii oo kaydka galay.

Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa ah kan koowaad ee bathroom saadaalinayo in uu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga sannadka Manchester United ee Sir Matt Busby Participant of the Yr, laakiin waxa isaguna tartame wanaagsan ah Luke Shaw oo bandhig aad u sarreeya la yimid xilli ciyaareedkan.

Shaw ayay suurtogal tahay in Fernandes uu ku garaaco abaal-marintan, waxaase la sugi doonaa inta xilli ciyaareedku soo dhamaanayo, markaas oo United ay shaacin doonto xiddigeeda sannadka.

Si kastaba, difaaca reer Ivory Coast ee Eric Bailly oo khadka dambe uga ciyaara United ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee ku tartami doona abaal-marinta xiddiga sannadka Manchester United, waxaana uu meesha ka saaray Bruno Fernandes.

Bailly ayaa sheegay in Luke Shaw iyo Aaron Wan-Bissaka ay noqon doonaan ciyaartoyda ku tartamaya abaal-marinta xiddiga sannadka ee Manchester United.

Isagoo la hadlayay webstie-ka, Manchester United ayaa waxa la weydiiyey in uu magacaabo ciyaartoyga ugu fiican kooxda sannadkan, waxaanu ku jawaabay: “Aad ayay ugu adag tahay in aan sheego mid, laakiin aniga waxay ila tahay, haddii aan doorto inaan xulanayo laba ciyaartoy: Aaron Wan-Bissaka iyo Luke Shaw.

“Kaddib waxa aan haysanaa Harry Maguire, Fred, Scott McTominay…. magacyada badan ayaan sheegayaa! Laakiin, Anigu waxa aan ku adkaysanayaa Aron iyo Luke.”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More