Iska Illow N’Golo Kante, Professor-ka Kubadda Cagta Ee Ku Tartamaya

Xiddiga xulka qaranka Talyaaniga ee Lorenzo Insigne ayaa ku dooday in xiddiga khadka dhexe ee ay isku waddanka yihiin ee Jorginho ay tahay inuu ku tartamo abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or.

Jorginho ayaa Chelsea kula guuleystay Champions League xilli ciyaareedkii hore, waxaanu tiir dhexaad u yahay xulka qaranka Talyaaniga ee ka qayb-gelaya tartanka Euro oo ay usoo gudbeen wareegga siddeedda, isla markaana ay la ciyaari doonaan Belgium.

29 jirkan hore ugu ciyaari jiray Napoli ayaa kusoo bilowday kulan kasta afartii ciyaarood ee Euro ee Talyaaniga, waxaanay ciyaartoyda qarankiisu rumaysan yihiin in uu gaadhsiisan yahay heer uu ku tartamo xiddignimada sannadkan.

Lorenzo Insigne ayaa rumaysan, in Jorginho uu ugu yaraan u qalmo in uu ka mid noqdo ciyaartoyda liiska kama dambaysta ah ee tartameyaasha sannadkan ee wargeyska France Football usoo xuli doono tartanka Ballon d’Or.

Isaga oo ka jawabaayay su’aal laga weydiiyey haddii Jorginho u qalmo Ballon d’Or, waxa uu yidhi: “Waxa aanu haysanaa ciyaartooyo tayo leh. Waxa aad ka hadashay Jorginho waana sax. Waxa uu Chelsea ku qaatay sannado cajiib ah waanan ku faraxsanahay in uu xulkayaga ka mid yahay.

“Anigu ma ihi qofka go’aaminaya haddii uu u qalmo Ballon d’Or, laakiin waxa aan rajaynayaa in uu kusoo baxo liiska gaaban, wuxuu u qalmaa sidaa, waa ciyaartoy wanaagsan.

“Anigu waxa aan ugu yeedhaa professor [macallin jaamaceed] dhamaantayana waanu ku faraxsanahay in aanu la ciyaarno.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More