Iska Illow Mason Mount, James, Shaw Iyo Stones: Jose Mourinho Oo

Jose Mourinho ayaa rumaysan in da’yarka Chelsea ee Billy Gilmour uu ahaa xiddiga sameeyey farqiga kulankii England iyo Scotland ee barbarraha goolal la’aanta ah kusoo dhamaaday ee garoonka Wembley ay Jimcihii ku ciyaareen.

Xulka qaranka tababare Steve Clarke ayaa nooleeyey rajadoodii ahayd inay u gudbi karaan wareegga 16ka, waxaanay rajadoodu ku xidhan tahay natiijada ay ka keenaan ciyaarta dambe iyo natiijada kale ee kasoo baxda kulanka England iyo Czech Republic.

Group D oo ay wali afarta waddan ee ku jira leeyihiin rajo, mid si rasmi ah u hadhayna aanu jirin taas oo ka dhigan in ciyaarta  u dambaysa la isku sii dhegganaan doono.

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo kulankii xalay falanqeeye ka ahaa ayaa waxa indhihiisa soo jiitay 20 jirka reer Scotland ee Billy Gilmour oo ka garab ciyaarayay Callum McGregor, isla markaana muujiyey tayo sare.

Mourinho ayaa yidhi: “Canugga Gilmour ee dhexda ayaa sameeyey farqiga. Waa ciyaartoy heersare ah. Mar walba wuu soconayaa, mar walba wuu muuqanayaa, waxa uu doonayaa kubadda, waxa uu ismuujinayaa iyadoo cadaadis jiro. Ciyaarta ayuu si wanaagsan u xidhiidhinayaa.”

Jose Mourinho waxa kale oo uu amaanay ciyaartoyda xulka qaranka Scotland oo uu sheegay in tababare Steve Clarge uu si xeeladdeedu sarrayso usoo habeeyey, gaar ahaan weerarka iyo khadka dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More