Iska Illow Man City & Barca! Saul Niguez Oo Axadda Ka Degaya Horyaalka

Maalinta Axadda ah ee berri, war ayaa laga sugayaa in uu kasoo kordho mustaqbalka xiddiga reer Spain ee Saul Niguez ee khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid, waxaana laga raadin doonaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Saul Niguez ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Premier League ee Manchester City, Manchester United iyo Liverpool, sidoo kalena waxa toddobaadyadii ugu dambaysay aanu magaciisu ka  hadhin Barcelona, iyadoo la sheegayay in la isku beddelanayo Antoine Griezmann.

26 jirkan ayaa ugu dambayn mustaqbalkiisu u muuqdaa inuu yaallo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, gaar ahaan laba ka mid ah saddexda kooxood ee lala xidhiidhinayay.

Wakiilka Saul Niguez ayaa Axadda soo gaadhaya waddanka Ingiriiska isaga oo metelaya laacibkan, waxaanu wada-hadallo la yeelan doonaa kooxahan kooxaha hore ugu muujiyey xiisaha ee la rumaysan yahay inay danaynayaan, kuwaas oo mar dambe laga garbiyey Manchester City oo hadda ka baxsan kooxaha uu wakiilku qorshaynayo inuu la hadlo.

Warka ayaa intaa ku daray, in labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester United ay yihiin kuwa ugu dambayn iskugu soo hadhay tartanka laacibkan, waxaanay labadooduba la kulmi doonaan wakiilkiisa.

Manchester United oo hore ula soo wareegay Jadon Sancho iyo Raphael Varane ayaa qorshaynaysa inay iska xoojiso khadka dhexe si ay horyaalka Premier League ugu dagaallami karto, halka Saul Niguez ay u aragto mid ay ku jirto kartidaas amaba in uu noqon karo beddelka Paul Pogba oo mustaqbalkiisu laalan yahay.

Liverpool ayaa iyaduna raadinaysa beddelka Gini Wijnaldum oo si bilaash ah uga tegay, booskiisiina ku bannaan yahay, waxaanu Jurgen Klopp si dhow ula socdaa xaaladda laacibkan oo la sheegayo in aanu niyad badan u haynin Atletico oo uu dhowaan heshiis cusub u saxeexay.

Heshiiska uu Saul kula jiro Atletico Madrid ayaa lagu burburin karayaa £125 milyan oo Gini, hase yeeshee waxa la rumaysan yahay in kooxda reer Spain ay diyaar u tahay inay ku fasaxdo £35 milyan oo Gini illaa £40 milyan oo Gini inta u dhaxaysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More