Iska Illow Kane, Mount, Verratti & Insigne: Cesc Fabregas Oo

Halyeygii xulka Spain ee Cesc Fabregas ayaa magacaabay xiddiga uu rumaysan yahay inuu shidan doono kulanka Finalka Euro 2020, kaas oo uu tilmaamay inuu noqon weeraryahan dhibaateeya difaaca Talyaaniga.

Xulka qaranka England oo yimid final markii u horreysay muddo 55 sannadood ah ayaa waajahaya Talyaaniga oo ay ku wada ciyaarayaan garoonka Wembley ee magaalada London.

Labadan waddan ayaa kulamadii semi-finalka soo garaacay Denmark iyo Spain, waxaanay ku kala calaf qaadayaan ciyaarta ugu dambaysa.

Cesc Fabregas oo ka hadlay ciyaartan ayaa waxa uu sheegay in uu Raheem Sterling noqon doono xiddiga garoonku u shidnaanayo, waxaanu xusay in uu dhibaato badan u geysan doono Leonardo Bonucci iyo Giorginio Chiellini.

Fabregas waxa kale oo uu ku andacooday in waddanka Ingiriisku garaaci doono Talyaaniga oo uu ku guuleysan doono koobka Euro 2020, taas oo haddii ay dhacdo u noqon doonta markii u horreysay ee ay koob qaadaan tan iyo 1966kii.

Sterling ayuu Fabregas tibaaxay inuu xataa ku guuleysan doono abaal-marinta kabta dahabka ah, iyadoo uu goolal kasoo dhaliyey Croatia, Czech Republic iyo Germany, laakiin dooddan ayaa adkaan doonta maadaama ay gool-dhalinta hoggaaminayaan Ronaldo iyo Schich oo leh min shan gool.

“Leonardo Bonucci iyo Giorginio Chiellini waxay jecel yihiin kubbadaha hortooda ah, waxayna naceb yihiin kubbadaha la daba dhigo, sidaas darteed ayay ila tahay in Raheem Sterling uu muhiim noqon doono, isaga oo adeeganaya orodkooda. Haddii uu mari karo meelaha u dhexeeya difaacyada baalaha iyo difaacyada dhexe, wuxuu shidan karaa ciyaarta.” Ayuu yidhi Febregas oo u warramayay Telegraph.

Waxa kale oo uu Cesc Fabregas sheegay in England ay haysato ciyaartooyo aad u wanaagsan sida Jack Grealish, Phil Foden iyo Mason Mount, saadaasha ciyaartuna tahay 50/50 balse ay xoogaa horreeyaan Ingiriisku.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More