Iska Illow Gundogan, Aguero, De Bruyne, Jesus & Sterling –

Goolhayaha Manchester City ee Ederson ayaa hadal lama filaan ahi kasoo yeedhay, waxaanu sheegay inuu jiro ciyaartoy ku wanaagsan rikoodheyaasha balse aan haddana qaadanin.

Manchester City oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan horyaalka Premier League, ayaa ku urursan Gabriel Jesus, Raheem Sterling, Sergio Aguero, Ilkay Gundogan iyo Kevin de Bruyne, laakiin rikoodheyaasha oo uu inta badan qaato De Bruyne oo ahaa laacibka rikoodheyaasha inta ugu badan laagta ayaa xili ciyaareedkan khasaariyey rikoodhe.

Ciyaartii bishii hore ay barbarraha 1-1 ku kala baxeen Liverpool ayaa uu De Bruyne lumiyey rikoodhe uu birta garab mariyey oo haddii uu dhalin lahaa guusha u go’aamin lahaa kooxdiisa.

Goolhayaha reer Brazil ee Ederson oo ka hadlay rikoodheyaasha kooxdiisa Manchester City ayaa waxa uu sheegay in isagu uu diyaar u yahay inuu qaato masuuliyad cusub oo ah in loo dhiibo rikoodheyaasha balse aanu wali tababare Pep Guardiola ka helin ogolaanshahaas.

Ederson ayaa ku dooday inuu isagu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan rikoodheyaasha ee jooga Manchester City, waxaanu yidhi: “Anigu kuma tababarto laagga xorta ah. Waxaan ku tababartaa rikoodheyaasha, markii aan u ciyaarayay kooxda Riberao waxaan qaatay oo aan laagay dhawr laag oo xor ah, laakiin hadda waa laga yimid.

“Waqtigaas waxaanu haysanay ciyaartooyo aad ugu wanaagsanaa laagga xorta ah. Laakiin rikoodheyaasha, aniga ayaa ah ciyaartoyga ugu wanaagsan rikoodheyaal laagista, balse la iima dooranin inaan qaato.”

Sannadkii 2018kii ayuu Pep Guardiola sheegay in aanu waligii u ogolaan doonin Ederson inuu qaato rikoodheyaasha kooxdiisa, waxaanu xilligaas yidhi: “Maya, taasi ma dhici doonto. Sababtoo ah, isagu waa goolhaye waxaana jooga ciyaartooyo kale oo qaadan karaya rikoodheyaasha, waan ixtiraamayaa kuwa naga soo horjeeda, waxa kale oo aan ixtiraamayaa tartanka.

“Xaaladdu waa mid saaxiibtinimo, kulamada rikoodheyaasha lagu kala baxayo wuu laagan karaa laakiin ciyaarta oo socota maya.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More