Iska Fasaxa!! – Tababare Klopp Oo Maamulka Liverpool U Sheegay Xiddig

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo warramayaa inuu maamulka kooxdiisa u sheegay inaysan rasmi ka dhigin heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo daafaca dhexe ee ree Turkey ee Ozan Kabak.

- Advertisement -

Kabak oo 21 sano jir ah ayaa Liverpool kusoo biiray maalintii ugu dambaysay suuqii bishii January isaga oo kaga yimid dhinaca kooxda Schalke si uu Jurgen Klopp uga caawiyo dhibaatada daafac ee haysatay.

Tan iyo bilawgii xilli ciyaareedka, tababaraha ree Germany ayaa ku qasbanaaday inuu 20 lamaane daafac oo kala duwan daafaca dhexe ka wada ciyaarsiiyo kaddib dhaawacyada Joel Matip, Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez.

Kabak ayaa 13 jeer usoo ciyaaray Arsenal tan iyo markii uu yimid balse wararka ayaa sheegaya inuu dheeraad ku noqon doono kooxda marka ay daafacyada dookha koowaad soo laabtaan.

Sida uu sheegayo wargeyska The Solar Klopp ayaa aaminsan in Kabak uusan kooxda door ku yeelan doonin xilli ciyaareedka dambe isla markaana aysan Liverpool heshiiskiisa rasmi ka dhigi doonin.

Heshiiskii amaahda ahaa ee uu Ozan kaga yimid Schalke oo dhawaan heerka labaad ee horyaalada Germany u dhacday ayaa ahaa mid uu ku jiray qoddob ah in Reds ay 18 Milyan oo pound bixiyaan haddiiba ay heshiiskiisa rasmi u doonaan.

Warkan ayay macquul tahay inay ku farxaan kooxaha ay Premier League ku xifaaltamaan Liverpool oo ay u dhaqaaqaan saxeexa Kabak oo soo muujiyay inuu heerka ugu sarreeya ka ciyaari karo.

Ugu dambayn, dhinaca kale tababare Klopp ayaa kooxda ka codsaday in heshiis cusub laga saxeexo goolhayaha dookha labaad ee Adrian oo uu doonayo inuu sii haysto.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More