“Intay Labadaasi U Ciyaarayaan Koobab Waaweyn Ku Guuleysan Mayso” –
Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa sheegay laba xiddig oo caqabad ku ah hammiga kooxdiisii hore ee ku guuleysiga koobab waaweyn waana lamaanaha khadka dhexe ee Scott McTominay iyo Fred,
Labadan xiddig oo uu si aad ah u aaminsan yahay tababare Ole Gunnar Solskjaer ayay jamaahiirta United u magac bixiyeen McFred maadaama oo ay shaxda ku wada jiraan markasta.
Purple Devils ayaa xalay guuldarro kala kulmay kooxda uu xifaaltanka weyni kala dhaxeeyo ee Liverpool oo iyadu saddex dhibcood oo dahabi ah kor ugu soo qaaday hammigeeda ka qayb galka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.
Reds ayaa afar dhibcood u jira kooxda booska afraad ee Chelsea iyaga oo kulankooda toddobaadkan haddii ay guul gaadhaan kaliya hal dhibic u jirsan doona Blues.
Kaddib kulankaas ayuu Roy Keane oo la hadlay Sky Sports activities ayaa sheegay in uusan garanayn sida ay McTominay iyo Fred Man United ugu celin karaan heerka ay doonayso.
“Ilaa inta ay labadaasi (Fred iyo McTominay) khadka dhexe uga ciyaarayaan Manchester United kuma guuleysan doonaan koobab muhiim ah”
“Sida aad u filanaysaan in Fred uu Man United ku celin doono wadada guuluhu waa wax aniga i dhaafsan”