“Inta Uu Ronaldo Joogo, Anigu Ma Imanayo” – Tababare Max Allegri Oo

Maximilliano Allegri ayaa u sheegay kooxdiisii hore ee Juventus in ay iibiso Cirstiano Ronaldo ka hor inta aanay isaga isku dayin in uu kusoo laabto kooxdan oo uu ka tegay sannadkii 2019kii.

Juventus ayaa Cristiano Ronaldo lasoo saxeexatay xagaagii 2018kii, markaas oo uu Real Madrid ka caawiyey in ay ku guuleysato koobkii saddexaad ee Champions League ah oo ay saddex sannadood oo isku xigta qaadatay.

Allegri ayaa sannadkii u horreeyey ku layliyey Ronaldo kooxda Juventus, waxaanay ku wada guuleysteen horyaalka Serie A oo markaas ay Old Lady sannadkii siddeedaad oo xidhiidh ah qaadatay, kuwaas oo shan ka mid ah uu ku hoggaamiyey Allegri.

Tababaraha Talyaaniga ayaa dhamaadkii xilli ciiyaareedkaas ka tegay kooxda, waxaanay wararku sheegayaan in kulankii ugu dambeeyey ee ay yeesheen guddoomiyaha kooxda ee Andrea Agnelli uu Allegri ku yidhi: “Kooxda waa in uu ka tago Ronaldo, wuxuu joojinayaa korriinkii ciyaartoyda kooxda iyo naadigaba.”

Max Allegri ayaa waqtigaas haystay ciyaartooyo da’yar badani ku jiraan oo si fiican iskula jaan-qaaday, isla markaana guulahoodu aanay xaddidnayn, laakiin Juventus oo 100 milyan oo Euro kasoo bixisay Ronaldo ayey u cuntami weyday in ay waddada tusto, iyadoo waliba aan ka salgaadhin ujeeddadii ay ula soo saxeexdeen oo ahayd in uu ka caawiyo ku guuleysiga Champions League.

Saddex sannadood oo uu Ronaldo joogay Turin, waxay qaadeen laba horyaalka Serie A, waxaanay sannadkan u muuqdaan in aanay calfan doonin, sababtoo ah Inter Milan ayaa afar ciyaarood kaddib ku guuleysan karta horyaalka haddii ay wada badiso.

Juve oo ay ugu dambaysay hanashada Champions League sannadkii 1996kii, ayaa sannadkan wareeggii 16ka kaga hadhay tartankan, waxaana sidaas ku burburtay rajadii ay ka qabeen in Ronaldo ku hoggaamiyo.

Si kastaba, Juventus ayaa la sheegay in ay mar kale xidhiidh la samaysay Max Allegri oo ay ka dalbatay in uu dib ugu soo laabto tababarenimada kooxda oo uu beddelo Andrea Pirlo oo xilli ciyaareed ay hoos u dhaceen macallin u ahaa.

Laakiin warbaahinta Talyaaniga ayaa kusoo warramaysa, in Allegri uu mar kale ku yidhi Juventus: “Inta uu Ronaldo joogo, anigu ma imanayo.”

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More