Immisa Milyan Ayay Mike Tyson Iyo Roy Jones Jr Ka Heleen

Taariikh weyn ayay ahayd, waxaanay dunidu saaka indhaha kusii wada haysay waddanka Maraykanka oo ay ka dhacday ciyaar feedh ahayd oo dib garoomada ugu soo celisay ruug-caddaagii Mike Tyson oo ku dhowaad 15 sannadood ka hor ka fadhiistay feedhka iyo Roy Jones Jr oo ay waqtigaas xafiiltami jireen, haddana ah oday da’diisa oo kale ah.

Labadan feedhyahan ayaa marka la isku geeyo ay da’doodu tahay 105, taas oo ka dhigan inay labaduba kor u dhaafeen da’da 50 jirka, balse haddana jidh ahaan ayay aad iskugu diyaariyeen dagaalkan iyagoo soo bandhigay murqo awood badan iyo jidh aanu gabow ka muuqanin.

Mike Tyson oo naaxay intii uu garoomada ka maqnaa, ayaa bilihii ugu dambeeyey shaqo badan ka qabtay jidhkiisa, waxaanu u diyaariyey sidii baryihii uu da’da yaraa isagoo ka duulaya khibradda sannadaha badan.

Ka sokow daawashada dagaalkan, waxa aad loo xiiseynayay Mike Tyson iyo Jones Jr. midkooda guuleysan doona iyo waliba lacagta ay kala heli doonaan.

Dagaalkan feedhka oo siddeed wareeg ahaa ayaa saddexdii xaakim ee hayay uu mid walba natiijo gaar ah sameeyey. Xaakimka koowaad ayaa waxa uu diiwaangeliyey natiijo ah 79-73 oo uu Mike Tyson helay, Jones oo xaakimka labaad u diiwaangeliyey 80-76 iyo xaakimka saddexaad oo natiijadiisa la qaatay oo diiwaangeliyey 76-76, taas oo ka dhigtay in dagaalkani kusoo dhamaaday barbarro.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxay ahayd in tirooyinkan sare ku xusan oo muujinaya inta feedh ee la isweydaarsaday, ay labadan oday ka dhigayso kuwo si adag u dagaallamayay oo aan wax asxaab ah isku samaynayn.

Mike Tyson ayaa dagaalkan lacag badan ku helay, waxaana xisaabtiisa baanka ugu dhacday lacag dhan £7.5 milyan oo Gini, halka Jones uu helay £2.25 milyan oo Gini, sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa waddanka UK.

Ciyaartan ayaa daawadeedu qaali ku ahayd dunida. Dadka Maraykanka ayaa u baahnaa inay bixiyaan $49.99 dollar si ay TV-gooda ama aaladaha Internetka ay uga daawan karaan, laakiin UK ayaa ka jabnayd oo ahayd £19.95 Gini.

Mike Tyson oo intii uu xirfadda feedhka ku jiray ka helay lacago dhan $400 milyan oo dollar ayaa sannadkii 2003 waxa uu ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba kacay oo uu musalafay, lacag la’aanina ku dhacday, wuxuuse dib uga shaqeeyey sidii uu lacag kale u tabcan lahaa. Illaa $3 milyan oo lacag ah ayuu shaqaystay oo akownkiisa baanka ku jirta, waxaana ugu darsami doona lacagta uu saaka helay ee dhan £7.5 milyan oo Gini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More