HORE LOOMA ARAG – Akhriso Isbar-Bardhiga Copa America Iyo Euro &

Kabtanka xulka Argentina ahna ciyaaryahanka bishan oo dhan koox la’aanta ah kaddib markii uu dhacay heshiiskiisii Barcelona ee Lionel Messi ayaa markale muujiyay waxa uu awoodo kaddib wacdarihii uu kusoo dhigay tartanka Copa America.

Messi ayaa ugu dambayn soo af-meeray dhibaatada ka haysatay inuusan heer caalami ugu guuleysan koob isaga oo Argentina lasoo qaaday tartankii ka dhacay Brazil iyaga oo Final-ka ka qaaday isla Brazil oo ay magaalada Rio kula ciyaareen.

Haddaba, arrinta hadal haynta badan dhalisay ayaa ah isbar-bardhig lagu sameeyay tartamada Euro iyo Copa America taas oo muujisay in xiddigaha Yurub xogaha tartankaas qaybsadeen halka uu Copa America xog kasta qabsaday Lionel Messi.

Aan ku bilawnee dhanka Copa America ayuu goolasha ugu badan ee laga qayb qaatay Messi ku hoggaaminayaa 9 gool halka uu Ronaldo ku hoggaaminayo Euro 6 gool oo uu ka qayb qaatay/

Marka saddexaad Messi ayaa hoggaaminaya darbooyinka ugu fiican ee cel-celis ahaan laga sameeyay Copa America iyadoo fursad aan weyneyn laga samaynayo waxaana uu ku horkacayaa 1.35 halka uu Euro Shaqiri ku hoggaaminayo 1.25.

Messi ayaa ah ciyaaryahanka laadadka xorta ah ee ugu badan kasoo dhaliyay Copa America (2) halka uu Euro ugu badnaa Mikkel Damsgaard oo (1) laad xor soo dhaliyay.

Messi ayaa ah ciyaaryahanka baasaska dhaadheer ee ugu badan kasoo sameeyay Copa America (9) waxaana uu lamid yahay Paul Pogba iyo Lorenzo Insigne oo iyaguna min (9) kasoo sameeyay Euro.

Dhinaca kale Leo ayaa 21 fursadood kasoo abuuray Copa waana tirada ugu badnayd tartankaas halka marka lala bar-bardhigo Euro uu 14 fursadood ku hoggaaminayay Marco Verratti.

Halkan Hoose Ka Akhriso Isbar-Bardhiga Xogtaas Oo Dhan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More