Hordhac: PSG vs Man Metropolis – Xogta Kulamadoodii Hore, Rikoodhada

Riyo ayay u tahay labada kooxood ee Paris Saint-Germain iyo Manchester Metropolis in ay ku guuleystaan tartanka Champions League oo aanu midkoodna hore u calfanin, waxayse riyadeedu wareegga semi-finalka ku dhamaan doontaa midkooda maadaama ay iyagu wada ciyaaraan oo midna gurigeeda ku laabanayso midka kalena ay finalka tegi doonto.

PSG ayaa garoonkeeda Parc des Princes waxay caawa ku qaabbilaysaa Manchester Metropolis lugta hore ee semi-finalka tartanka Champions league iyadoo usbuuca xigana ay Salaasada soo socotana iskugu tegi doonaan Etihad Stadium.

Les Parisiens ayaa wareeggii siddeedda kusoo jiidhay Bayern Munich oo ay kaga soo gudbeen goolka ay bannaanka kusoo dhaliyeen, halka Manchester Metropolis ay usoo xoog sheegatay Borussia Dortmund oo ay 4-2 kusoo jiidhay.

Labada kooxoodba waxay usbuucan guulo kasoo gaadheen kulamadii tartamadooda maxalliga ah, iyadoo Metropolis ay ku guuleysatay koobka EFL Cup oo ay Tottenham ka qaaday Axaddii, halka PSG ay 3-1 kusoo jiidhay Metz.

Xaqiiqooyin muhiim ahParis Saint-Germain wax guul ah might helin saddex jeer oo hore oo ay Manchester Metropolis kaga hor tagtay tartamada Yurub, kuwaas oo marna laga badiyey labana barbarro ay gashay, kaliya Arsenal oo ay afar mar aanay guul ka helin, AC Milan oo afar jeer aanay libin ka gaadhin iyo Juventus oo siddeed ciyaarood oo ay iska hor yimaaddeen aanay guulo ka helin ayaa haysta rikoodhka faa’iidada ee Man Metropolis ka haysato PSG.Manchester Metropolis ayaa ka reebtay PSG mar kaliya oo ay wareegyada isreeb-reebka tooska ah iskaga hor yimaaddeen Champions League, waxaanay ahayd xilli ciyaareedkii 2015-16 oo wareeggii siddeedda ay ku garaacday 3-2, waxaana goolka guusha u dhaliyey Metropolis Kevin de Bruyne.Manchester Metropolis waxay ciyaaraysaa semi-finalkii afraad ee tartamada Yurub ah taariikhdeeda, waxaana uga horreeyey Cup Winners Cup oo xilli ciyaareedyadii 1969-70 & 1970-71 ay timid iyo 2015-16 oo semi-finalka UEFA Champions League ay soo gaadhay. Koobka kaliya ee tartamada Yurub ah ee Man Metropolis ay ku guuleysatay ayaa ahaa Cup Winners Cup oo ay qaadday sannadkii 1970kii.Paris SG ayaa noqonaysa kooxdii saddexaad ee Faransiis ah ee soo gaadha Semi-finalka European Cup/UEFA Champions League, waxaanay labada kooxood ee kale yihiin St Etienne oo sannadihii 1970 iyo 1976 timid semi-final iyo Olympique de Marseille oo 1990 & 1991 soo gaadhay semi-finalka.

Xogta kulanka

Ciyaarta: PSG vs Manchester Metropolis

Tartanka: Semi-finalka Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Parc des Princes

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

PSG ayaa rajaynaysa in Kylian Mbappe oo ku dhaawacmay kulankii metz uu taam ahaansho buuxda helo. Laacibkan ayaa lagu soo daray liiska kooxdiisa iyadoo uu kasoo doogay dhaawaca.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa shirkii jaraa’id ee ciyaarta ka hor ku sheegay in kaliya kooxdiisa ay ka maqan yihiin Juan Bernat iyo goolhayaha labaad ee Alexandre Letellier.

Dhinaca kale, Manchester Metropolis ayay kooxdeedu u wada dhamaystiran tahay, waxaana usoo kacay Kevin de Bruyne oo dhaawac kasoo gaadhay ciyartii Carabao Cup ee Axaddii iyo weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero.

John Stones ayaa isaguna kasoo laabtay ganaax uu ku maqnaa ciyaartii Wembley.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Paris Saint-Germain: Navas; Florenzi, Marquinhos, Kimpembe, Diallo; Gueye, Paredes; Di Maria, Verratti, Neymar; Mbappe

Manchester Metropolis: Ederson; Walker, Dias, Stones, Cancelo; Rodri, Gundogan, De Bruyne; Mahrez, Silva, Foden

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More