Hordhac: Porto vs Chelsea – Rikoodhka 8 Kulan Oo Ay Yeesheen,

Chelsea ayaa safar ugu baxday waddanka Spain oo ay lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League kula soo ciyaarayso FC Porto, waxaana Thomas Tuchel uu safarka la  tegay ciyaartooyo kasoo laabtay dhaawac oo muhiim u ah.

Blues oo ciyaartii ugu dambaysay si lama filaan ah ula kulantay bahdil 5-2 ah oo ay u geysatay West Brom, waxay raadinaysaa guul ay kaga soo kabato khasaarahaas iyo in ay soo hesho libinta iyadoo marti ah, si lugta labaad ee garoonkeedana ay ugu xaqiijisato in ay semi-finalka iska xaadiriso.

Kooxda reer London ayaa wareeggii hore ee siddeedda waxay labadii ciyaaroodba kasoo adkaatay Atletico Madrid oo ay muujisay in ay si aad ah uga awood badan tahay, waxaana la filayaa in ay cudud u sheegtaan FC Porto, inkasta oo kooxda reer Portugal ay hore usoo reebtay Juventus oo aan la dhayalsan karin.

Xaqiiqooyinka iyo rikoodhada labada kooxood

FC Porto shan mar ayay guul0darro kala kulantay Chelsea oo ay iskaga hor yimaaddeen wareegga siddeedda, saddexda kalena laba ayay badiyeen midna barbarro ayay galeen. Chelsea ayaa ah kooxda labaad ee guul-darrooyinka ugu badan gaadhsiisay Porto, waxaana ka horreysa Actual Madrid oo lix jeer garaacday kooxda reer Portugal.

Chelsea approach ku fiican tahay kulamada ay ka hor tagto kooxaha reer Portugal, waxaanay guuleysatay 75% kulamadii ay kooxaha dalkaas waajahday.

Kulankan ayaa ah markii labaad ee ay labadan kooxood ee Chelsea iyo Porto iskugu yimaaddaan kulamada isreeb-reebka tooska ah ee Champions League, waxaana markii iskugu dambaysay ay ahayd xilli ciyaareedkii 2006-07 oo ay Chelsea ku guuleysatay celceliska labadii ciyaarood 3-2.

Xogta kulanka

Ciyaarta: FC Porto vs Chelsea

Tartanka: Champions League, wareegga siddeedda, lugta hore

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio R. Sanchez Pizjuan, Seville, Spain.

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Chelsea waxa  usoo laabtay Christian Pulisic iyo N’Golo Kante oo dhaawac ahaa, waxaanu Tuchel xaqiijiyey in ay ciyaartan taam u yihiin oo ay dheeli karayaan. Sidoo kale, Tammay Abraham ayaa kusoo laabtay kooxda kaddib usbuuc uu bannaanka ka joogay.

Kante iyo Pulisic ayay u badan tahay in aanay kusoo bilaabanin ciyaartan maadaama ay kasoo kaceen dhaawacyo.

FC Porto ayaa waxa iyadana ganaax kaga maqan labada ciyaartoy ee ugu gool-dhalinta badan ee Sergio Oliveira iyo Mehdi Taremi.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

FC Porto: Marchesin; Manafa, Pepe, Mbemba, Sanusi; Corona, Grujic, Uribe, Otavio; Marega, Martinez

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Zouma, Christensen; Hudson-Odoi, Jorginho, Kovacic, Chilwell; Ziyech, Mount; Giroud

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More