Hordhac: Man United vs Fulham – 10 Kun Oo Taageereyaal Ah Oo Outdated
Manchester United ayaa garoonkeeda Outdated Trafford waxay ku qaabbilaysaa Fulham oo waqti hore bathroom xaqiijiyey in ay heerka labaad u degtay oo ay Premier League macasalaamaysay, waxaana kulankan kasoo qayb-gelaya 10,000 taageereyaal ah oo walwal ku haya kooxdooda.
- Advertisement -
United ayaa ka mid ah kooxaha bathroom fasaxay inay taageereyaashu yimaaddaan labada kulan ee ugu dambeeya xilli ciyaareedkan, waxayse dhibaatadu tahay in dhowaanahan ay mudaharaadyo soo bandhigayeen taageereyaasha oo ka dalbanayay in ay qoyska reer Glazers ee mulkiileyaashu ay iibiyaan kooxda.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu rajaynayo in taageereyaashu garab istaagaan kooxdooda ka hor ciyaarta finalka Europa League ee toddobaadka dambe.
Fulham oo ku badisa garoonka Outdated Trafford waxa ugu dambaysay sannadkii 2009, lamana filayo in dhibaato badan ay doorkana gaadhsiin karto, taas beddelkeedana waxaaba laga yaabaa in ciyaartoyda Crimson Devils ay isku sii kululeeyaan ciyaartan, uguna diyaar garoobaan finalka kulanka Axadda iyo ciyaarta finalka Europa League.
Kulamadii labada kooxood iska hor yimaaddeen
85 ciyaarood ayay Manchester United iyo Fulham wada ciyaareen, waxaana 52 ka mid ah guuleysatay Man United, halka Fulham ay 14 kaliya guulo heshay, waxaana usoo raacay 19 barbarro ah.
Kulankoodii ugu dambeeyey ee horraantii xilli ciyaareedkan, Manchester United oo marti ahayd ayaa kusoo badisay 2-1.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Manchester United vs Fulham
Tartanka: Horyaalka Premier League
Waqtiga: 8pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Outdated Trafford
Wararkii u dambeeyey labada kooxood
Anthony Martial ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Manchester United, sidoo kalena Daniel James ayaa soo kabasho samaynaya. Labadan laacib ayaa battle fiican uu ka helay Solskjaer ka hor finalka Europa League oo uu rajaynayo in ay usoo noqon doonaan.
Harry Maguire oo dhaawac jilibka ah qaba ayaa isagu liiska maqaneyaasha waxa uu kula biiray difaaca kale ee Phil Jones oo xilli ciyaareedkan oo dhan jiifay.
Dhinaca kale, Scott Parker ayaa xaqiijiyey in xiddiga Fulham ee TOm Cairney aanu ciyaartan joogin oo uu dhaawac ku maqan yahay, waxaana uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii December.
Antonee Robinson ayaa isagana uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii Isniintii ee Burnley, lamana filayo in uu ciyaartan joogo.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Lindelof, Tuanzebe, Shaw; McTominay, Pogba; Rashford, Fernandes, Greenwood; Cavani
Fulham: Areola; Tete, Andersen, Adarabioyo, Aina; Lemina, Reed; Lookman, Reid, Carvalho; Mitrovic