Hordhac: Man United vs Brighton – Ole Oo Iska Maydhaya Niyad-jabkii FA

Manchester United ayaa kaalinta labaad ee horyaalka Premier League isku ballaadhin doonta haddii ay guul ka keento ciyaarta ay maanta ku qaabbilayso Brighton oo ugu imanaysa Old Trafford.

Red Devils oo ciyaartii ugu dambaysay ay u ahayd mid niyad-jab ah oo ay Leicester City 3-1 kaga reebtay tartanka FA Cup, waxay u dagaallami doontaa in ay awooddeeda iskugu geyso horyaalka Premier League ee ay kaalinta labaad kaga jirto iyo tartanka Europa League ee ay wareegga siddeedda usoo gudubtay.

Kaddib markii Manchester City ay xalay 2-0 ku garaacday Leicester City oo dhibic kaliya ka hoosaysa Man United, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayay kooxdiisu afar dhibcood ka horreyn doontaa Foxes balse waa in ay ka guuleysato Brighton oo lix dhibcood ka sarraysa khadka cas, isla markaana ciyaartii ugu dambaysay 3-0 kusoo garaacday Newcastle.

Red Devils oo 17 dhibcood ka hoosaysa Man City oo hoggaanka horyaalka haysa, waxa kaliya oo ay horyaalka ka doonaysaa in aanay hoos uga dhicin booskeeda labaad si ay damaanad buuxda ugu hesho ka qayb-galka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, kaas oo haddaba u muuqda in ay damaanad u haysato kaddib natiijooyinkii Sabtidii ee lagu garaacay labadii kooxood ee ku xigay ee Leicester iyo Chelsea.

Brighton ayaa iyaduna aan hubin in ay kasii mid ahaan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe maadaama aanay wax badan ka horreynin kooxaha casaanka ku jira, sidaas darteed ayaanay halgan adag u geli doonaa.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in uu ciyaartan isbeddelo ku samayn doono safkiisa, isagoo isha kusii haya kulanka Granada ee Europa Leagoe ee Khamiista.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Brighton

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 9:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford.

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Manchester United ayaa la filayaa in uu dhaawac kaga maqnaado weeraryahanka reer France ee Anthony Martial, laakiin Ole Gunnar Solskjaer waxa uu rajaynayaa in ay taam buuxa noqonayaan Mason Greenwood iyo Marcus Rashford oo ay kusoo bilaaban doonaan ciyaartan.

Laacibiintan ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen ciyaarihii caalamiga ahaa, laakiin labada dambe ayaa lagu arkay tababarka ka hor ciyaarta maanta.

Victor Lindelof ayaa sidoo kale seegay tababarkii kooxdiisa waxaanu dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa.

Brighton ayaa iyaduna rajaynaysa in ay dib u hesho weeraryahankeeda Aaron Connolly oo Jimcihii dhaawac kasoo gaadhay tababarka. Waxa kale oo usoo laabtay Adam Webster, hase yeeshee Percy Tau ayaa  ku jira karantiil kaddib markii uu u safray Koonfur Afrika oo uu qarankiisa usoo dheelay.

Tariq Lamptey ayaa gebi ahaanba ka maqan ciyaartan.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Bailly, Maguire, Shaw; Pogba, Fred; James, Fernandes, Rashford; Cavani

Brighton & Hove Albion: Sanchez; White, Dunk, Burn; Gross, Bissouma, Lallana, Moder; Trossard; Maupay, Welbeck

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More