HORDHAC: Granada vs Man United – Red Devils Oo Dagaal U Galaya Koobka
Manchester United ayaa caawa dib u bilaabaysa hammigeeda ah ku guuleysiga koobka Europe League marka ay carriga Spain ku booqanayso dhigeeda Granada lugta koowaad ee wareega siddeed dhammaadka oo ka dhacaysa gegida Estadio Nuevo Los Carmenes.
Kooxda ree Spain oo si lama filaan ah heerkan kusoo gaadhay ayaa wareegii hore soo jiidhay dhigeeda ree Norway ee Molde halka ay Man United wadar ahaan labadii kulan 2-1 kaga soo badisay AC Milan.
WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR
Tababaraha Granada ee Martinez ayaa markale qaba dhibaato dhaawacyo yar yar oo kooxdiisa ah waxaana la filayaa inuu waayo kulankan saddex kamida daafacyada garbaha kooxdiisa oo kala ah Carlos Neva, Foulquier iyo Quini.
Lozano ayaa ah xiddig kale oo mudo dheer ka maqnaa Granada sidoo kale Luis Suarez ayaa qaba dhaawac waxaana yar fursada uu taam buuxa ku noqon karo.
Man United ayaa ku dhibtootay kana naxday warka sheegaya in Anthony Martial uu maqnaan karo inta xilli ciyaareedka ka dhiman halka ka qayb galka kulankan ee Marcus Rashford ay tahay mid aan caddayn kaddib markii uu dhaawac uga baxay kulankii Brighton.
Alex Telles oo xanuun aan ahay Korona Fayras ku seegay kulankii Brighton ayaan la hubin haddiiba uu fursad u haysto ka qayb qaadashada ciyaartan balse Eric Bailly oo isaga xanuunkaas laga helay ayaa maqnaan doona.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Granada: Silva; Vallejo, Duarte, Sanchez, Diaz; Gonalons, Eteki; Kenedy, Herrera, Machis; Soldado
Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Fred, Pogba; Greenwood, Fernandes, James; Cavani
Xogta Kulanka
Tartanka: Europe League
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Estadio Nuevo Los Carmenes.
Garsoore: Artur Dias (Portugal)