LA Lakers Oo Iibsanaysa Stephen Curry Iyo LeBron

Kooxda kubadda Kolayga ee horyaalka NBA-da Maraykanak ee LA Lakers ayaa dalab lacag badan leh ka gudbinaysa xiddiga Golden State Warriors ee Stephen Curry, taas oo haddii ay hirgasho dhaboobi doonta in ay meel ka wada ciyaaraan LeBron James.

Stephen Curry oo laacibka ay ku dhisan tahay Golden State Warriors ayaan la ogeyn in qorshihiisa ay ku jirto in uu ka tago kooxda uu sannadaha badan usoo ciyaarayay ee uu guulaha badan soo gaadhsiiyey, laakiin sannadihii ugu dambeeyey hoos u dhacu ku yimid.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanku, xiddiga Los Angeles Lakers ee LeBron James ayaa kooxdiisa ka dalbaday in ay lasoo saxeexdaan Stephen Curry.

Kooxda oo dalabka James ka duulaysa ayaa waxay xidhiidh la samaynaysaa Curry, iyadoo qorshaheeduna yahay in sannadka dambe ee 2022 ay meel ka wada ciyaaraan LeBron James iyo Stephen Curry.

Wariyaha Maraykanka ah ee Brian Windhorst ayaa ahaa midkii daaha ka rogay warkan, waxaana uu tilmaamay in LA Lakers ay dhexda u galayso heshiis cusub oo ay Warriors u bandhigtay Curry.

Golden State Warriors ayaa xiddigeedan waxay u bandhigtay heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo uu ku qaadanayo 156 milyan oo Euro, balse hoos u dhaca ku yimid kooxda ayaa ku riixi karaya in uu laacibkani iskaga tago.

Mushaharka uu Stephen Curry qaato sannadkii oo ah 54 milyan oo dollar ayaa ka dhigaysa ciyaartoyga ugu mushaharka badan NBA-da.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More