HESHIIS DHAN: Xiddig Aan Raphael Varane Ahayn Oo Real Madrid Ka Tagay

Da’yarka kubad sameeyaha ah ee kooxda Real Madrid ee Brahim Diaz ayaa heshiis laba sano oo amaah ah markale kaga baxay kooxdaas isaga oo dib ugu biiray AC Milan oo uu xilli ciyaareedkii horena qaab amaah ah ugu soo ciyaaray.

Brahim ayaa sanado kahor lacag jaban Real Madrid ugaga soo biiray dhinaca Man City balse aan wax fursad ah ka helin tababarihii hore ee kooxda ee Zinadine Zidane.

Diaz ayaan markale muhiim ka noqon qorshayaasha tababaraha cusub ee Carlo Ancelotti waxaana uu go’aan ku gaadhay inuu dib ugu biiro AC Milan.

Sida uu sheegayo saxafi Fabrzio Romano, heshiiska uu Brahim ugu biirayo kooxda ka ciyaarta Serie A ayaa ah mid laba sano oo amaah ah oo ay kooxdaasi bixinayso lacag 3 Milyan oo euro ah.

Milan ayaa heshiiska ku dartay qoddobka ah inay Diaz si rasmi ah ugu iibsan karto lacag 23 Milyan oo euro ah balse arrinta faa’idada weyn u ah Real Madrid ayaa ah inay heshiiska dhinaceeda kaga dartay qoddobka dhigaya in Diaz ay dib ugu soo iibsan karaan 27 Milyan oo euro mustaqbalka haddiiba ay u baahdaan.

Los Blancos ayaa la filayaa inay soo koobaan safka kooxdooda kahor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub, xiddigo kale oo uu kamid yahay daafaca dhexe ee Raphael Varane ayaa kamid ah magacyada waaweyn ee kooxda ka bixi kara.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More