Harry Maguire Oo Ka Darbo Badan Pierre-Emerick Aubameyang

Harry Maguire ayaa sameeyay darbooyin ka badan inta uu sameeyay Pierre-Emerick Aubameyang horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Daafac dhexe ayaa sameeyay isku day badan oo dhanka goolka ah marka loo eego mid ka mid ah gooldhaliyayaasha ugu fiican dunida.

Mana ahan mid ku timid kala duwanaansho dhanka kulamada ay safteen. Aubameyang ayaa ciyaaray sideed kulan xilli ciyaareedkan halka Maguire uu ciyaaray todoba kulan.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Aubameyang waxa uu ahaa xiddiga labaad ee ugu goolasha badan Premier League isagoo dhaliyay 22 gool, wuxuu hal gool ka danbeeyay xiddiga kabta dahabka ku guuleystay ee Jamie Vardy.

Laakiin xilli ciyaareedkan weeraryahanka reer Gabon oo qandaraas cusub saxiixay xagaagii waxa uu dhaliyay kaliya labo gool horyaalka Premier League.

Kabtanka Arsenal waxa uu kaliya sameeyay TOBAN darbo xilli ciyaareedkan, wuxuuna kaalinta 51aad uga jiraa xiddigaha ugu darbooyinka badan xilli ciyaareedkan horyaalka.

Kabtanka Man United Maguire oo ah daafac dhexe wuxuu sameeyay 11 darbo.

Daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa sameeyay 13 darbo xilli ciyaareedkan.

Xiddiga hogaaminaya liiska darbooyinka ugu badan waa weeraryahanka Tottenham Harry Kane kaasoo sameeyay 38 darbo waana afar jibaarka inta uu sameeyay Aubameyang.

Laakiin Aubameyang kaliya ma lahan eeda arintaan, sababtoo ah waxaa inta badan laga ciyaarsiiyaa garabka midig oo lagama ciyaarsiiyo booskiisa dabiiciga ah.

Sidoo kalena Arsenal ma heysato hal abuure u soo shaqeeya gooldhaliyayaasha, waana sababta halyeeyga kooxda uu ugu baaqay inay bisha Janaayo la soo wareegaan Housam Aouar.

Thomas Partey wuuu caawiyay khadka dhexe ee Gunnaers laakiin ma ahan hal abuure waa burburiye khadka dhexe ah.

Ozil oo noqon lahaa hal abuuraha kooxda islamarkaana soo noqday boqorka caawinta ayuu Arteta go’aansaday inuu ka maarmo xilli ciyaareedkan, waana tan keentay in weeraryahankiisa uu ka darbo yaraado daafaca dhexe ee Man United

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More