Halkuu Marayaa Qorshaha Heshiis Kordhinta Lionel Messi? Madaxweyne

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka hadlay halka ay marayaan dedaalada ay kooxdooda ugu jirto inay heshiis cusub ka saxeexato kabtankeeda Lionel Messi oo qandaraaskii hore ugu hayay Camp Nou uu yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Messi ayaan wali wax heshiis kordhin ah u samaynin Barca, waxa xusid mudan inuu si lama filaan ah suuqii xagaaga ee 2020 kooxda uga codsaday in la iska fasaxo isaga oo miiska u saaray warqada codsiga bixitaankiisa.

Madaxweynihii wakhtigaas ee Barca ee Josep Maria Bartomeu ayaa dadaalo xoogan u sameeyay sidii uu awood ugu celin lahaa Messi oo ugu dambayn go’aansaday inuu ugu yaraan heshiiskiisa kooxda dhammaysto.

Haddaba, Laporta oo hadda saxaafada la hadlay ayaa ka faxiyay taageerayaasha kooxdiisa isaga oo sheegay in ay waxkasta si fiican u socdaan oo ay ku rajo weyn yihiin inuu qalinka ku duugi doono Messi qandaraas cusub.

“Waxkasta (Oo la xidhiidha arrimaha heshiis kordhinta Lionel Messi) waxay u horumarayaan si fiican” ayuu Joan Laporta u sheegay LaSexta.

Manchester City ayaa ah kooxda ugu cad cad ee Leo la saxeexan doonta haddii uu baxo dhammaadka xilli ciyaareedkan, 33 sano jirkaas ayaa wakhti dahabi ah kula soo raaxaystay Pep Guardiola oo ay Barca wada joogeen intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2012.

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More