Hal Sharuud Kaliya Ayaa Ku Xiran Inuu Cristiano Ronaldo Xagaagan Ku

Cristiano Ronaldo ayay u badan tahay inuu isaga tago Juventus xagaagan sida ay sheegayaan wararka Talyaaniga ka soo baxaya.

Weeraryahanka oo 36 sanno jir ah ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu ku laabanayo kooxdiisa hore ee Manchester United laakiin PSG ayaa sidoo kale weli xiiseyneysa.

Saaxiibtiisa Georgina Rodriguez ayaa dhawaan sheegtay in ninkeeda uu sii joogayo Turin balse waxay u muuqataa in xaalada ay sidaasi ka duwan tahay.

Xaqiiqdiina waxaa sii kordhaya suurtogalnimada uu Ronaldo kaga tagi karo Talyaaniga xagaagan sida ay qortay jariirada Corriere dello Sport.

Wargeyska ayaa sheegay in madaama uu Cristiano Ronaldo ku guuleystay koob walba oo maxali ah oo laga ciyaaro dalka Talyaaniga inay sabab u tahay bixitaaskiisa iyo sidoo kale soo laabashada tababare Max Allegri.

Si kastaba, sharuud ayaa kaga xiran bixitaankiisa taasoo ah inuu helo koox awoodi karta mushaharkiisa.

Corriere dello Sport waxay soo jeedisay in Old Trafford ay tahay meel uu ka degi karo xagaagan laakiin Red Devils waxay awoodaa kaliya inay u soo bandhigto mushahar aad uga yar midka uu haatan ka qaato Bianconeri, sidaasi darteed sharuuda kaliya ee kaga xiran inuu Old Trafford ka dheelo mar kale waa inuu dhimo mushaharkiisa qaaliga ah.

Waxaa sidoo kale suurtogal ah in Paul Pogba loo adeegsado heshiis kala bedelasho ah oo uu Ronaldo Old Trafford ku tagayo.

Si kastaba, PSG ayaan iyaduna quusanin weli iyadoo lagu waramayo inay diyaar u tahay inay heshiis labo sannadood ah u bandhigto Ronaldo madaama aysan hubin mustaqbalka Kylian Mbappe.

Xiddiga Faransiiska hal sanno ayaa kaga harsan qandaraaskiisa PSG si la mid ah Pogba taasoo sabab ah inay labada kooxoodba doonayaan saxiixa Ronaldo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More