“Haddii Uu Joogi Lahaa La Idinma Xasuuqeen” – Mesut Ozil Oo

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal ee Mesut Ozil ayaa  ka falceliyey guul-darradii xanuunka badnayd ee Jarmalka xalay kasoo gaadhay Spain, kuwaas oo lagu xasuuqay 6-0 kulan ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League.

Ozil oo xulka qaranka Germany ka fadhiistay kaddib koobkii Adduunka ee 2018 oo canaan loogu jeediyey sidii uu u ciyaaray iyo muran kale oo ka horreeyey oo ka dhashay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Turkey, Racep Tayyib Erdogan oo ah dalka uu asal ahaanta kasoo jeedo, ayaa waxa uu farta ku fiiqay xiddigii ay tabayeen kulankii xalay.

Xulka tababare Joachim Low ayaa guul-darradani noqotay tii ugu xumayd muddo 89 sannadood ah, waxaanay difaaca, dhexda iyo weerarkuba awoodi waayeen inay wax fursado ah sameeyaan amaba ay joojiyaan goolasha daadka ah ee laga dhalinyay.

Goolhaye Manuel Neuer oo goolka ku jiray ayaa dhibbane u ahaa kubbado loo daba marinayo shabaqa uu waardiyaha ka ahaa.

Difaaca ayay wada joogeen Niklas Sule iyo Robin Koch oo kusoo bilowday iyadoo qaybtii labaadna lasoo geliyey Jonathan Tah oo beddelay Sule.

Mesut Ozil oo xataa kooxdiisa Arsenal bannaanka ka ah intii uu horyaalka xili ciyaareedkani socday, waxa uu adeegsaday bartiisa Twitterka iyadoo waddankiisa la karbaashayo, waxaanu magacaabay laacibka ay tahay inay u yeedhaan ee badbaadinaya.

Time to take @JeromeBoateng back ?? #ESPGER @DFB_Team

— Mesut Özil (@MesutOzil1088) November 17, 2020

Farriin uu ku daabacay bartiisa Twitterka, ayuu si gaar ah ugu socodsiiyey xidhiidhka kubadda cagta Jarmalka, waxaanu u sheegay in la taagan yahay waqtigii dib loogu yeedhi lahaa Jerome Boateng oo difaaca ah, isla markaana aan muddo kasoo muuqanin xulka qaranka.

“Waxa la joogaa waqtigii uu Jerome Boteng soo noqon lahaa” ayuu ku yidhi Ozil farriintiisa.

Boateng, Mats Hummels iyo Thoms Muller ayaa sannadkii hore uu tababare Joachim Low xaqiijiyey in aanay mar dambe kasoo muuqan doonin xulka qaranka Germany, balse saddexdooduba waxay aasaasi u ahaayeen guushii Koobka Adduunka ee 2014kii ay waddanka Brazil koobka kusoo qaadeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More