“Haddii Aad Tahay Goolhayaha Ugu Wanaagsan Adduunka, Ma Aanad Tagteen

Weeraryahankii hore ee Talyaaniga ee kooxaha Juventus, Real Madrid iyo Roma ee Antonio Cassano ayaa weerar ku qaaday goolhayaha xulka dalkiisa ee Gianluigi Donnarumma oo caawa fiidkii si rasmi ah uga mid noqday kooxda reer France ee PSG.

Gianluigi Donnarumma oo ka tegay AC Milan ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah, isagoo waliba si xor ah uga mid noqday kooxdaas maalmo kaddib markii la guddoonsiiyey abaal-marinta ciyaartoygii ugu wanaagsanaa intii uu socday tartankii qaramada Yurub ee Axaddii lasoo gabogabeeyey.

Cassano ayaa saluug ka muujiyey in Gianluigi Donnarumma uu tago PSG oo uu u arkayo inay ka hoosayso kooxaha waaweyn ee uu ka filayay inuu 22 jirkani tago.

“Sabab, haddii aad tahay goolhayaha ugu wanaagsan adduunka, maxaad u tegi weyday Bayern Munich, Real Madrid iyo Barcelona.” Ayuu yidhi Cassano.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa raaciyey: “Manuel Neuer waa 36 jir waana goolhayaha guug wanaagsan waqtigan. Waxay ahayd inuu u tago Thibaut Courtois iyo Marc ter Stegen oo uu booska kala baxo. Taas beddelkeeda wuxuu tegay PSG.”

Cassano waxa uu sheegay in ay ahayd in Gianluigi Donnarumma uu kala doorto saddexdan kooxood oo uu midkood ku biiro, isagoo u dagaallamaya booskiisa, balse taas beddelkeeda uu doortay PSG oo uu joogo Keylor Navas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More