Hadalkii Uu Edinson Cavani Ku Yiri Mason Greenwood Labo Daqiiqo Ka Hor

Goolkii cajiibka ahaa ee Edinson Cavani uu madaxa ugu dhaliyay Manchester United kulankii Tottenham ayaa ahaa mid qorshihiisa uu soo bilowday labo daqiiqo ka hor inta uusan dhalinin.

Xiddiga reer Uruguay ayaa ku riyaaqaya qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu si xor ah uga soo wareegay Paris Saint-Germain xagaagii.

Cavani ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo muruqa ah oo ku soo laablaabtay, halka aabihiis uu shaki gelinayay mustaqbalkiisa Manchester United.

Xiddigaan ayaa laga yaabaa inuu xagaaga ku laabto South America iyadoo kooxda reer Argentina ee Boca Juniors ay u soo bandhigtay heshiis labo sannadood ah.

Laakiin kulankii Tottenham, Cavani waxa uu soo bandhigay sababta uu Ole Gunnar Solskjaer ugu dagaalamayo inuu xilli ciyaareed kale ceshto 34 jirkaan.

United ayaa dooneysa inuu Cavani sannad kale kooxda sii joogo, laakiin weli go’aan kama danbeys ah lama gaarin.

Sida uu sheegay joornaaliistaha caanka ah Julien Laurens, Cavani ayaa ku yiri Mason Greenwood qeybtii labaad ee ciyaarta: “Kubada ii soo dedeji”.

Labo daqiiqo ka dibna, Greenwood wuxuu kubada madaxa u saaray saaxiibkiisa oo shabaqa si fiican u dhex dhigay islamarkaana hogaanka u dhiibay Man United.

Waxay aheyd gool si fiican looga soo shaqeeyay oo bilow u aheyd inay United xaqiijisato seddexda dhibcood iyadoo daqiiqado ka dib uu Greenwood goolka seddexaad ku daray.

Solskjaer ayaa si weyn u amaanay Cavani ka dib ciyaarta isagoo sheegay in xiddigaan uu yahay wixii ay United tabeysay.

“Goolasha la dhaliyay waxay ahaayeen kuw aaad u fiican, Edinson wuxuu soo bandhigay sababta uu u yahay No.9″ ayuu Solskjaer u sheegay Sky Sports.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More