Haaland Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Man City

Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa fog ee Etihad Stadium.

- Advertisement -

23 jirkaan ayaa Citizens kaga soo biiray Borussia Dortmund june Luulyo 2022 aduun dhan 51 milyan ginni, waxaana tan iyo markaas uu dhaliyay 90 gool 98 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Haaland ayaa shabaqa soo taabtay 38 jeer 45 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jiraan 27 gool 31 kulan oo Premier League ah si ay ugu guulaysto kabta dahabka ah xilli ciyaareedkii 2-aad Oo xidhiidh ah.

Haaland ayaa qandaraas kula jira kooxda buluuga ah ee Manchester ilaa xagaaga 2027, laakiin wararka la isla dhexmarayo ayaa sii socda oo ku saabsan suurtogalnimada ka bixitaanka mustaqbalka dhow iyada oo la soo sheegayo xiisaha Real Madrid iyo Barcelona.

Waxa Soo baxay warar sheegaya in ay man city doonayso in ay heshiis Wakhti fog ah ka saxiixato xiddiga.

Isaga oo ka hadlaya mustaqbalkiisa mar uu waraysi siinayay TV2, Haaland waxa uu yidhi: “Waxa aan soo qaatay laba sano oo cajiib ah, waxaana ii hadhay saddex sano. Runtii taasi waa waxa aan odhan karo.”

Iyada Oo lagu cadaadiyay in uu ka jawaabo hadii uu wadahadalo heshiis kordhin ah la yeeshay city ayuu yidhi”wan sheegay wixii aan odhan karaa”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More