Goolkii Alisson, Rikoodhadii La Diiwaangeliyey, Xiddigii Garoonka Iyo
Gool uu ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey madax ugu dhaliyey goolhaye Alisson Becker ayaa Liverpool siiyey guul ay ku rafaadday oo ay ka gaadhay West Brom oo gool kala hormartay.
- Advertisement -
Robson Kanu ayaa daqiiqaddii 15aad hoggaanka u dhiibay West Brom, waxaase soo qabtay Mohamed Salah oo kubbad uu taabasho kaliya ku toogtay ku barbarreeyey ciyaarta isla qaybta hore.
Daqiiqaddii ugu dambaysay ee waqtiga dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray, iyadoo uu garsooruhu isku diyaarinayo in uu afuufo siidhiga dhamaadka, ayuu goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker soo galay koorne ay kooxdiisu soo laadanaysay, waxaana uu ku qabtay madax awood badan oo uu ku hubsaday shabaqa, sidaasna waxay Liverpool ugu guuleysatay 2-1, iyadoo hadda dhibic kaliya u jirta Chelsea.
Rikoodhadii laga diiwaangeliyey kulanka
Taariikhda Liverpool oo dhan, tan iyo markii la aas-aasay sannadkii 1892, Alisson ayaa noqday goolhayihii ugu horreeyey ee gool u dhaliya ciyaar caadi ah. Hore uma dhicin in uu goolhaye u saxeexo gool Liverpool.Liverpool waxay guuleysatay lix ka mid ah siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, labada kalena barbarro ayay gashay. Waxay natiijooyinkani la mid yihiin guulihii iyo barbarrihii ay Reds ka keentay 19kii ciyaarood ee ka horreeyey ee horyaalka.Ma jiro ciyaartoy Premier League ah oo xilli ciyaareedkan ka goolal badan Mohamed Salah oo saxeexay 22 gool, laakiin waxay isku mid yihiin Harry Kane oo isaguna maanta dhaliyey gool. 22ka gool ee Salah dhaliyey, waxay Liverpool ku heshay 16 dhibcood.Thiago Alcantara oo khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ayaa sameeyey shan fursadood oo caddaan ah intii ay ciyaartu socotay, waxaana uu barbarreeyey rikoodhkiisii hal-abuurka ee ugu sarreeyey ee December 2015 uu u dhigay Bayern Munich kulan ay la ciyaareen Hannover 96.Goolka Alisson uu u dhaliyey Liverpool daqiiqaddii 94aad iyo waliba 18 ilbidhiqsi, waxa uu noqday midkii labaad ee ugu habsanka badnaa ee ay kooxdani dhaliso. Waxa kaliya ka horreeyey Christian Benteke oo Liverpool gool u dhaliyey March 2016 daqiiqaddii 95:10 kulan ay la ciyaareen Crystal Palace.Alisson ayaa noqday gool-hayihii reer Brazil ee madax ku dhaliya gool tan iyo 1992kii.
Xiddigii garoonka
Goolhaye Alisson Becker ayaa noqday xiddigii garoonka iyadoo uu kooxdiisa u dhaliyey goolka guusha, kana badbaadiyey kubbado badan oo halis ahaa.
Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood
West Brom: Johnstone (7), Furlong (6), Bartley (7), Ajayi (7), Townsend (6), Diangana (6), Gallagher (6), Phillips (7), Yokuslu (6), Pereira (7), Robson-Kanu (7)
Subs: Maitland-Niles (6), Livermore (6), Grant (N/A)
Liverpool: Alisson (9), Alexander-Arnold (8), Phillips (8), R Williams (7), Robertson (7), Thiago (9), Fabinho (7), Jones (6), Salah (8), Mane (7), Firmino (6)
Subs: Shaqiri (6), Wijnaldum (6)
Man of the match: Alisson (Liverpool)