Go’aanka Mikel Arteta ayaa ka careysiiyay David Luiz
Mikel Arteta ayaa ku dhibtoonaya inuu mideeyo qolka labiska ee kooxda Arsenal markii ay xiddigaha waa weyn ee kooxda su’aal ka keenaan go’aanka liita ee tababarahooda.
Gunners ayaa ku dhow inay u dhacdo heerka labaad ee Premier League ka dib natiijooyin isdaba joog ah oo niyad jab leh, oo ay ugu dambeysay xalayto barbaraha ay la galeen Southampton markii Aubameyang uu badbaadiyey guuldaradoodii shanaad oo isku xigta oo gurigooda ah.
Arteta ayaa la sheegay inuu wali kalsooni ku qabo maamulka kooxda halka uu si cad u taageeray maamulaha farsamada Edu horaantii todobaadkan.
Si kastaba ha ahaatee, The Athletic ayaa ku warramaysa inay jiraan kala qeybsanaan u dhaxeysa ciyaartoyda Arsenal ka dib go’aankii liita ee Arteta, gaar ahaan maamulka qaar ka mid ah ciyaartoyda.
Tusaale ahaan, qaar ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ayaa ka carooday in Willian loo magacaabay kooxdii barbaraha goolal la’aanta la gashay Leeds United bishii la soo dhaafay ka dib markii ay u safreen Dubai oo ay ku maqnaayeen fasax intii ay socdeen howlaha caalamiga ah.
Xiddiga ay isku dalka yihiin ee Willian David Luiz ayaa lagu soo waramayaa in uu ka xanaaqay in laga reebay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay kooxda Man United bilowgii bishii November.
Luiz ayuu dhaawac ka soo gaadhay muruqa kulankii Leicester City laakiin 33 jirkan ayaa la sheegayaa in uu taam u yahay safarka Old Trafford.
Si kastaba ha ahaatee, Arteta ayaa iska indhatiray dalabka Luiz oo ka tagay kooxda, taas oo ay si aad ah uga careysiisay xiddigii hore ee Chelsea, kaasoo tan iyo markaas uun ku soo bilowday hal kulan oo Premier League ah.
Horraantii toddobaadkan, warar soo baxay ayaa sheegaya in xiriirka u dhexeeya Luiz iyo Arteta uu burburay inkasta oo lagu beddelay ciyaarta ka dib casaankii Gabriel, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo kulanka Everton.