GO’AAN: Kabtan Sergio Ramos Oo Ka Tashaday Mustaqbalkiisa Actual Madrid
Kabtanka kooxda Actual Madrid ee Sergio Ramos ayaa lagu soo warramayaa inuu filanayo inuu mushahar dhimis sameeyo si uu u saxeexo heshiiska cusub ee ay kooxdiisu ka doonayso oo ahaa mid muran badani kasoo taagnaa bilihii ugu dambeeyay.
Waxay hore ugu muuqatay in daafaca 35 sano jirka ahi uu soo gabo-gabayn doono mudo 16 sano ah oo uu kusoo qaatay Actual Madrid marka uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhaco.
Actual Madrid ayaa hadda kaliya heshiis hal sano ah u bandhigaysa Ramos iyaga oo ka duulaya nooca siyaasadeed ee ay ka leeyihiin xiddigaha da’yarta ah.
Sida uu sheegayo wargeyska ree Spain ee Mundo Deportivo, Ramos ayaa doonaya heshiis laba sano ah taas bedelkeedana uu dhimi doono mushaharka 315,000 ee Pound ah ee uu toddobaadkii qaato.
Waxa laga warsugi doonaa oo la eegi doonaa haddiiba fikrada uu la yimid Sergio ay aqbali doonto Actual, kabtanka Los Blancos ayaa la sheegayaa inuu maalmaha soo socda la kulmi doono madaxweyne Florentino Perez.
Haddiiba uu Ramos sii joogayo kooxda uu 2005 kaga soo biiray Sevilla, waxa la filayaa in talaabo deg-deg lavatory qaadi doono oo hore heshiiska cusub looga saxeexi doono.
Waayaha ciyaareed ee Ramos ee Actual ayaa ahaa mid guul weyn ah isaga oo afar Champions League kusoo guuleystay, si lamid ah shan horyaal La Liga iyo koobab kale oo badan.
Ramos ayaa xilli ciyaareedkan oo ay dhaawacyo hadheeyeen kaliya 20 kulan kasoo ciyaaray isaga oo seegay kulamo badan oo uu ugu dambeeyay midkii lugta hore ee afar dhammaadka Champions League ee ay Salaasadii Chelsea la ciyaareen.