GO’AAN: Gareth Southgate Oo Go’aan Ka Gaarey Mustaqbalkiisa Xulka

Tababaraha xulka qaranka  England ee Gareth Southgate ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa xulka qaranka England kaddib markii uu dalkaasi ku guul-darraysatay hanashada Euro 2020 oo finalkii uu rikoodheyaal ku garaacay Talyaanigu.

Southgate ayaa ku hoggaamiyey xulka England inay yimaaddaan finalkoodii ugu horreeyey abid ee tartanka qaramada Yurub, iyadoo wax final ah oo ay yimaaddaan dhamaan tartamada na ay ugu dambaysay sannadkii 1966kii oo ay ku guuleysteen Koobka Adduunka.

Inkasta oo laga badiyey, Ingiriiska ayaa muujiyey ciyaar fiican iyo in ay leeyihiin awood ay kusoo afjari karayaan abaarta koob la’aanta ee 55ka sannadood ay kusoo jireen, hase yeeshee waxa xalay su’aali gashay mustaqbalka tababare Gareth Southgate.

Heshiiska Gareth Southgate ayaa waxa uu ku egyahay dhamaadka sannadka 2022 ama marka uu soo dhamaado Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Qatar sannadka dambe, balse waxa wax la iska weydiiyey mustaqbalkiisa iyo haddii uu sii joogi doono.

Southgate oo wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa ayaa waxa uu xaqiijiyey in uu sii joogi doono, isla markaana uu xulka ku hoggaamin doono Koobka Adduunka 2022 ee dhamaadka sannadka dambe.

50 oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi: “Waxa aan doonayaa in aan kooxdan geeyo Qatar, waxa aan dareemayaa in aanu horumar samaynay afartii sannadood ee u dambeeyey oo aanu nimid kaalinta afraad, saddexaad iyo labaad.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More