Garsoore Premier League Caan Ka Ah Oo Kula Kaftamay Xiddig

Kabtanka kooxda Watford Troy Deeney ayaa bilaabay inuu maqaalo ku qoran wargeyska The Sun iyadoo kooxdiisa ay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka dhacday horyaalka Premier League una laabatay heerka labaad.

- Advertisement -

Deeney ayaa maqaaladiisii ugu horeysay ee uu ku daabaco wargeyska waxa uu kaga hadlay cunsuriyada kubada iyo weliba xiddigaha iyo tababarayaasha uu sida weyn u qiimeeyo.

Troy Deeney oo ka hadlayay garsoorayaasha uu jecel yahay ayaa soo qaatay labo tababare inkastoo mid ka mid ah uu sheegay inuu mar walba ku yiraahdo “Waad fool xun tahay” isna uu iska qoslo.

“Andrea Marriner iyo aniga waxaan labadeenaba ka imaanay Brimingham, waana isla qosolnaa. Waxa uu ii sheegaa inaan ahay mid jiljilcan haddii aan dhulka ku dhaco.

“Dhamaanteen kibir ayaa nagu jiro, laakiin qaar ka mid ah garsoorayaasha dabeecadooda ayaa sidaas ah – laakiin Martin Atkinson isna waa garsoore weyn.

“Dhegta ayuu tartiib kuugu sheegayaa inaad fool xun tahay. Waa uu iga qosol siiyaa.

“Waxaan moodayay inuu ciyaaraha ka fariisanayo seddex sannadood ka hor laakiin weli wuu socdaa.

“Waxaan rajeynayaa inaan sii joogi doono marka aan Premier League ku soo laabano”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More