“Garoonka Dhexdiisa Ayaan Ku Dhimanayaa Si Aan U Garaaco Manchester

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa aaminsan in PSG ay u gudbi doonta finalka Champions League iyagoo lugtii hore ay Manchester Metropolis kaga badisay 2-1 iyagoo waliba garoonkooda jooga.

Neymar waxa uu sheegay in uu wax walba samayn doono si kooxdiisu ay u garaacdo Manchester Metropolis, waxaanu ku doodday in xataa ‘garoonka dhexdiisa uu ku dhiman doono’, naftana uu u huri doono sidii kooxdiisu u heli lahayd guusha.

- Advertisement -

Kooxda reer France ayaa Salaasada u safraysa Etihad Stadium, laakiin Man Metropolis oo ciyaar heersare ahayd soo bandhigtay lugtii hore, 2-1 na ugu badisay Parc des Princes, ayaa iyaduna si adag u diyaarsan.

Laakiin Neymar ayaa rumaysan in Pochettino iyo xiddigihiisu ay awoodi doonaan in ay kasoo kabtaan guul-darradaas oo ay finalka tagaan.

Isagoo warbaahinta la hadlayay kaddib guushii ay kooxdiisu xalay ka gaadhay Lens, waxa uu Neymar yidhi: “Arrinta ugu horreysa ee aanu hadda samaynayno waa in aanu nasano, kaddibna dib yoolkayaga ugu jeedino Champions League.

“Kulankii hore ee Manchester Metropolis aad ayuu noogu adkaa, laakiin waxa ay ila tahay in qof kasta oo Parisian ahi uu na aaminsan yahay. Aniga ayaa furinta hore jooga, waxaanan noqon doonaa dagaalyahanka ugu horreeya ee kooxda  dagaal gelinaya.

“Sida ugu wanaagsan ayaan iskugu deyi doonaa, wax kasta oo ay igu qaadanaysana waan samayn samayn doonaa, xataa haddii ay noqonayso in aan garoonka dhexdiisa ku dhinto.”