Gareth Bale Oo Kusii Jeeda Koox Yar Oo Lama Filaan Ah Xilli Real

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa lagu soo warramyaaa inuu ka degayo koox lama filaan ah xilli uu ku jiro fasaxiisa caalamiga ahaa kaddib tartankii Euro 2020 ee uu kala qayb-galay dalkiisa.

Laacibkan oo Real Madrid ay xilli ciyaareedkii hore amaah ugu dirtay Tottenham Hotspur ayaa uiu mustaqbalkiisu laalan yahay, waxaase la filayaa in maalmaha soo socda uu dib ugu laabto caasimadda Spain ee Madrid, halkaas oo uu kula kulmi doono tababare Carlo Ancelotti.

Gareth Bale ayaa la sheegay in uu bishii hore kala dooranayay inuu ka fadhiisto ciyaaraha kooxaha oo kaliya uu qarankiisa u dheelo, isaga oo sugaya Koobka Adduunka 2022, kaddibna uu gebi ahaanba tiiriyo kabaha kubadda cagta, ayaa hadda ay warkaasi meesha ka baxeen.

Wargeyska Marca ee  kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in Gareth Bale uu koox lama filaan ah ku biiri karayo xagaagan, isla markaana ay tahay dookha kaliya ee uu qaadan karayo haddii uu ka baxo Santiago Bernabeu.

Real Madrid oo doonaysa inay fasaxdo Bale si ay meesha uga baxdo mushaharkiisa xad-dhaafka ah ayaa ay iyadana ku yar yihiin fursadaha uu laacibkani kaga bixi karayo maadaama aanu xidhiidh fiican ka dhaxayn, iyadoo haddii heshiiskiisa la kansalana uu xaq u yeelanayo mushaharka intii ka hadhsanayd qandaraaskiisa.

Si kastaba, Gareth Bale ayaa waxa si lama filaan ah ugu soo baxday fursad uu ugu wareegi karayo kooxda Cardiff City ee ka ciyaarta horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska, inkasta oo ay iyaguna suurtogal tahay kooxda Maraykanka ee Inter Miami ee uu iska leeyahay David Beckham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More