Garankiisa Ayuu Tuuray, Gidaarka Ayuu Feedhay Kaddibna….. –

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus ayaa u muuqda mid shakiga ku jiray uu sii kordhayo kaddib markii ay shalay guul 3-1 ah ka gaadheen kooxda Genoa balse ay guushaasi ugu filnaan weyday inay farxad geliso xiddiga Portuguese-ka ah.

Wargeyska MARCA ayaa shaaca ka qaaday doonista Cristiano ee ah inuu ku laabto Real Madrid suuqa xagaaga sanadkan iyadoo wakiilkiisa Jorge Mendes uu u bandhigay kooxdaas balse Los Blancos ayaan hadda doonayn saxeexa 36 sano jirkoodii hore.

Kaddib guushii Juventus ee shalay, Ronaldo ayaa kasoo muuqday inta badan boggaga hore ee wargeysyada Talyaaniga iyadoo meelaha qaar lagaga hadlayay qaab ciyaareedkiisii kulanka ee liitay.

Ronaldo ayuusan kulankii shalay u ahayn midkiisii ugu fiicnaa waxaana uu khasaariyay goolka oo madhan kubad uu birta ku garaacay oo uu Alvaro Morata.

Cristiano Ronaldo ayaa kaddib markii bedel lagu sameeyay garoonka cadho kaga baxay isaga oo tuuray maaliyadiisa taas oo muujinaysay sida uusan bandhigiisa ugu faraxsanayn.

Kaddib markii uu baxay ayuu maaliyadiisa qaatay mid kamida wiilasha yar yar ee kubadda soo qabanayay iyadoo ay jireen warbixino xusaya in wiilkaas yari uu weydiistay garanka balse ka hadalka arrintaas ayaan intaas ku hadhin.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in cadhada Ronaldo ay kasii socotay ilaa qolka labiska walow ay kooxdiisu guuleysatay isla markaana uu gidaar feedhay kahor inta uusan qubaysan ee uusan iska bixin isaga oo aan hal qof eray odhanin.

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More