FURAHA Mbappe!! – Shaqsiga Ka Caawin Kara Real Madrid Saxeexa Kylian

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa aaminsan in saxeexa Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain uu ka caawin karo agaasimihii hore ee ciyaaraha ee kooxda AS Monaco ee Luis Campos.

Real Madrid ayaa ahayd mid mudo dheer la dhacsan Mbappe oo saxeexiisa doonaysa xilli uu isaguna sii wado inuu hakiyo heshiis cusub oo ay ka doonayso PSG, Madrid ayaa aad u doonaysa inay saxeexiisa xagaagan samayso.

Sida uu sheegayo wargeyska MARCA, waxa la fahamsan yahay in Campos uu door muhiim ah ka ciyaari karo heshiis uu 22 sano jirka French-ka ahi ugu biiro Los Blancos.

Campos ayaa xidhiidho hore lasoo lahaa Real Madrid madaxwaynaheeda Florentino Perez iyo agaasimaha guud ee Jose Angel Sanchez maadaama oo uu wakhtigii tababare Jose Mourinho ee kooxdaas kaga soo shaqeeyay door indho-indheeye.

Kaddib Campos ayaa tagay Monaco oo uu agaasimaha ciyaaraha ka noqday isaga oo halkaas kasoo saaray jiil dahabi ah oo PSG kaga guuleystay horyaalka isla markaana uu kamid ahaa Kylian Mbappe.

Kaddib markii uu Monaco wacdarro ku dhigay, Luis Campos ayaa haddana u wareegay Lille oo uu markale boqortooyo xilli ciyaareedkii dhammaaday Ligue 1 kaga guuleysatay PSG ku dhisay walow uu bishii December ka tagay kooxda.

Laakiin haatan bilihii ugu dambeeyay Campos ayaa lala xidhiidhinayaa Real Madrid xilli ay kooxdu isbedelo ka wado daaha dabadiisa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More