Frank Lampard Oo Sheegay Sababtii Ay Chelsea Ugu Fashilantay Saxiixa Jude Bellingham.

Frank Lampard ayaa aaminsan in Chelsea ay wayday saxiixa Jude Bellingham sanadkii 2020 kadib markii ay awoodi wayday in ay ku qanciso xiddiga khadka dhexe iyo qoyskiisa in loo balan qaadayo in uu si joogto ah ugu ciyaari doono kooxda.

Xiddiga Bellingham ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Khadka dhexe ee haatan oo kacaya waxana uu wacdaro ka dhigayaa Real Madrid.

Laakiin Bellingham ayaa ku dhawaaday in uu ku biro Chelsea ka hor intii uuna ku biirin kooxda Dortmund isaga oo 17 sano jir ah.

Frank Lampard oo tababare u oo noqdaychelsea yaa sheegay sababtii ay Chelsea ugu fashilantay saxiixa xiddiga Khadka dhexe.

“Waan xusuustaa markii aan ahaa tababaraha Chelsea, waxaan isku daynay inaan helno Jude Bellingham, waxaana ogaanay in kooxo badan doonayaan”ayuu yidhi Lampard.

“Chelsea, Man United Iyo Man City ayaa doonayay saxiixiisa,waxa uu soo raacay waalidkii,waxa aan u sheegay in aan haysano iddigo da’yar ah sida Mason Mount, Reece james oo uu ciyaari doono”

“Laakiin waxan filayaa in uu Dortmund ka helay balan-qaad h n uu si joogto ah u ciyaari doono”ayuu i raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More