France, Germany Iyo Portugal Oo Ciyaaro Musalsal Ahaa Ugu Soo Gudbay
Saddexda waddan ee France, Germany iyo Portugal ayaa usoo gudbay wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay barbarro ku dhamaysteen kulamadii ugu dambeeyey Group-ka dhimashada ee F.
Kulamo aad u adkaa oo natiijooyin isku mid ah kusoo dhamaaday ayay farta dal ee ku wada jira Hormada F ee France, Portugal, Germany iyo Hungary ayey saddex waddan ugu soo baxeen wareegga xiga, halka uu si toos ah u hadhay xulka qaranka Hungary oo argagax ku riday Germany.
Portugal iyo France ayaa ku dhamaystay barbarro 2-2 ah, sidoo kalena Germany iyo Hungary ayaa ku kala baxay barbarro 2-2 ah.
Cristiano Ronaldo ayaa laba rikoodhe u dhaliyey Portugal, sidoo kalena Karim Benzema ayaa saxeexay labada gool ee France oo midka hore rikoodhe ahaa.
Germany ayaa isaguna halis weyn galay, waxaana gool waqti hore ay Hungary ka dhalisay la isla soo gaadhay daqiiqaddii 66aad oo goolka barbarraha ay heleen Jarmalku, laakiin iyagoo aan dabbaal-degga dhamaysanin ayaa gool degdeg ah laga dhaliyey, waxaanay mar labaad dhibaato u mareen sidii ay u heli lahaayeen goolka barbarraha.
Leon Goretzka oo beddel kusoo galay ayaa daqiiqaddii 84aad goolka barbarraha u keenay xulka Germany, waxaanay sidaas ku xaqiijisteen inay soo gudbaan.
France oo shan dhibcood leh ayaa kaalinta koowaad kusoo baxay, waxaana labaad galay xulka Germany, halka Portugal ay kaalinta saddexaad ku dhamaysteen laakiin u gudbeen wareegga 16ka.
Hungary oo dedaal badan samaysay, lixdii daqiiqadood ee ugu dambeeyeyna xajisan kari weyday guul ay kusoo bixi lahayd ayaa ka hadhay Group F, halka saddexda kalena ay soo baxeen.