FIFA Oo Liverpool Siinaysa Lacag Magdhow Ah Kaddib Dhaawacii

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa bixinaya lacag magdhow ah oo la siinayo kooxda kubadda cagta Liverpool kaddib markii uu kulamada caalamiga ah kaga dhaawacmay difaaceeda Joe Gomez.

Liverpool argagax ka qaadday dhaawac halis ah oo soo gaadhay Gomez, xilli uu bil ka hor garoomada macasalaameeyey Virgil van Dijk oo xili ciyaareedka oo dhan maqnaanaya.

23 jirkan ayaa jilibka lagaga sameeyey qalliin, waxaana la sheegayaa in muddada ugu yar ee uu maqnaan doono ay noqonayso lix bilood taas oo ka dhigan in xili ciyaareedka oo dhan uu seegayo si la mid ah Van Dijk.

Tababare Jurgen Klopp ayaa arrintan ka qaaday madax wareer, waxaana la rumaysan yahay inuu suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January uu kasoo adeegan doono, waxaana soo baxaya magacyada qaar ka mid ah difaacyahannada uu lasoo saxeexan doono.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, FIFA ayaa siin doonta Liverpool lacag dhan £2 milyan oo Gini, taas oo ah mushaharka uu qaadanayo Joe Gomez muddada uu dhaawaca ku maqan yahay.

Wargeysku waxa uu sheegay in FIFA ay si joogto ah u bixin doonto usbuuciiba illaa £80,000 Gini oo mushaharka Gomez ah, maadaama uu laacibkani ku dhaawacmay ciyaaraha caalamiga ah.

Lacagta FIFA ayaa kasii badan karta intan haddii uu dhaawaca ciyaartoygani sii dheeraado, waxaanay gaadhi kartaa illaa £6.75 milyan oo Gini haddii uu hore Joe Gomez uga soo kaban waayo dhaawaca, isla markaana ay muddada maqnaanshihiisu gaadho muddo sannad buuxa ah.

Gomez ayaa hore Liveprool dhaawac ugaga maqnaaday muddo 10 bilood ah oo uu ku seegay Koobkii Adduunka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More