FIFA Oo Ansixisay Isbedello Lagu Samaynayo Koobka Adduunka Ee

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa ansixiyey daraasad lavatory beddelayo dhaqan-gal oo lagu samaynayo koobka Adduunka, taas oo isbeddel dhab ah ku samaynaysa Koobka Adduunka iyo waqtiyada la qabto.

- Advertisement -

Madaxweynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa shaaciyey in bilaabantay wada-hadalka iyo qorshaynta qaabka isbeddelka loogu samaynayo koobka adduunka oo labadii sannadoodba hal mar la qaban doono, halkii hore ay u ahaan jirtay in afartii sannadoodba mar la ciyaaro.

“Waa qaab lagu kobcinayo kubadda cagta, waxa waajib ah in aanu daraasayno waxa aanu samayn karno si aanu u dardar gelino kubadda cagta, waana qasab in aynu maskaxdeena furno.” Ayuu yidhi Infantino oo intaa ku daray: “Waa in aynu eegno sida ay ugu habboonaan karto jadwallada tartamada caalamiga ah iyo sida lavatory abaabulayo kulamada isreeb-reebka. Taageereyaasha ayaa arki doona kulamo badan oo muhiim ah iyo tartamo, ahmiyadda waxay noqon doontaa mid ku sallaysan horumarinta ciyaaraha laakiin ma  noqon doonto mid ganacsi.”

Gianni Infantino oo kasoo horjeeday fikraddii 12ka kooxood ee waaweyn ee samaystay European Tremendous League, kaas oo ay ku heli lahaayeen kooxahaasi lacag ka badan intii laga sameeyey koobkii adduunka ee 2014 & 2018, waxa uu Infanino hadda ka shaqaynayaa sidii ay dalalku lacag badan u heli lahaayeen marka ay Koobka Adduunka yimaaddaan.

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA waxa uu shaaciyey in Koobkii Adduunka 2014 ay ka sameeyeen $4.8 bilyan oo greenback, halka midkii xigay ee 2018 ee lagu qabtay Ruushka ay kasoo xareeyeen $6 bilyan oo greenback. Laakiin kooxaha 12ka ahaa ee Tremendous League samaystay ayaa iyaguna waxay tartankoodii ka fashilmay ka helayeen lacag ka badan $6 bilyan oo greenback sannadkiiba.

Arsene Wenger ayaa keenay hindisahan

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger oo hadda ah madaxa Horumarinta Kubadda Cagta Caalamiga ah ee FIFA, ayaa keenay fikradda ah in labadii sannadoodba hal mar la qabto Koobka Adduunka., waxaana la filayaa in arrintan la horkeeno shirweynaha FIFA oo lagu ansixiyo.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More