Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Oo Sheegay Inuu Xiddig Kubadda

Xiddigii hore ee ciyaarta UFC ee Khabib Nurmagomedov ayaa shaaca ka qaaday rabitaankiisa ah inuu noqdo ciyaaryahan kubadda cagta ah xilli uu xusay inay jiraan durba kooxo badan oo dalab kasoo gudbiyay.

Khabib oo sanadkii hore ka fadhiistay ciyaarta UFC isaga oo aan wax guuldarro ah la kulmin ayaa ah taageere weyn oo jecel kubadda cagta xilli uu bilihii ugu dambeeyay barihiisa bulshada kusoo bandhigayay xirfadiisa ciyaareed,

Khabib ayaa iska diiday dalabaad uu ugu laaban karayay UFC oo uu ka helay madaxweynaha ciyaartaas ee Dana White halka uu sidoo kale ku gacan saydhay dalab 100 Milyan oo dollar ahaa oo uu kulan kula ciyaari karayay Floyd Mayweather.

Khabib ayaa sheegay inuu dalabaad ka helay kooxo badan xilli uu ka jawaabayay su’aalo lagu soo weydiiyay bartiisa Facebook isaga oo dhinaca kale shaaciyay damaciisa kubadda cagta.

“Kooxo badan oo kubadda cagta ah ayaa isoo bandhigay (Heshiis), laakiin waa inaan wax yar noqdo mid leh qaabka kubadda cagta sababtoo ah qaabka kubadda cagtu wax yar ayuu ka duwan yahay midka MMA-da”

“Marka aad ka dagaalamayso MMA iyo marka aad kubadda cagta ciyaarayso, waa laba arrimood oo kala duwan laakiin ma garanayo (Haddii aan xirfadle ahaan kubadda cagta u ciyaari doono), haddii ay kooxaha qaar dalabaad isoo bandhigaan oo ay i xiiso geliyaan waan aqbalayaa”

Khabib ayaa taageere weyn u ah kooxda Real Madrid sida uu markasta sheego, sidoo kale waxa xusid mudan inuu jecel yahay Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More