FARI KAMA QODNA! Qorshaha Manchester United Ee Suuqa Iibka Oo Aanay

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo difaaca kooxda Sevilla ee Jules Kounde isla marka ay dhamaystirto saxeexa Raphael Varane oo ay u dhowdahay dhamaystirkiisa.

United ayaa lagu soo warramayaa in ay qarka u saaran tahay Varane oo ay wada-xaajoodyo meel fiican maraya ku wada jiraan Real Madrid, laakiin Ole Gunnar Solskjaer ma doonayo Varane oo kaliya, waxaanu qorshihiisu yahay in uu kusii jiro suuqa iibka oo uu kasoo qaato laacib kale.

Tababaraha reer Norway ayaa rumaysan in haddii ay kooxdiisu doonayso in ay koobab ku guuleysato, in ay tahay in difaaca ay iska dhisaan sida Manchester City oo kale amaba sidii Liverpool isku beddeshay markii ay heshay Virgil van Dijk.

Raphael Varane oo kaliya qiimihiisa ay ka wada-xaajoonayaan Real Madrid, waxa marka ay dhamaystiraan ay Red Devils ka hawl-geli doontaa Kounde oo isaguna u dhashay waddanka Faransiiska, isla markaana bandhig fiican ka sameeyey horyaalka Spain ee LaLiga.

Laacibkan oo ka mid ah difaacyada da’a yar ee ugu wanaagsan Yurub ayaa noqday rukun aas-aasi ah oo ay Sevilla isku hallayso tan iyo markii ay kala soo wareegeen Bordeaux sannadkii 2019kii.

Tiro kooxo waaweyn ah ayaa lala xidhiidhinayey laacibkan, waxaana ka mid ahaa Tottenham, Chelsea iyo Real Madrid, hase yeeshee Manchester United ayaa damaceedu imanayaa xilli aanay kooxaha kale u diyaarsanayn inay miiska la fadhiistaan Sevilla.

Sevilla ayaa dhinaceeda ay ku adag tahay inay si dhayal ah ku fasaxdo 22 jirkan oo qandaraaskiisu uu soconayo illaa 2024ka.

Si kastaba, Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhamaadka xilli ciyaareedkii hore shaaciyey, in laba ama saddex ciyaartoy ay lasoo saxeexan doonaan, waxaanay hadda gacanta ku dhigeen Jado Sancho iyagoo u dhow Varane, waxaase ciyaartoyga saddexaad uu u doortay inuu noqdo Kounde ama Trippier.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More