Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee AC Milan Vs Manchester United
Manchester United ayaa ku sugan garoonka San Siro ee ku yaal magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, halkaasoo ay ku martigelin doonto AC Milan wareegga labaad ee kulankooda Europa League-16
Labada koox ayaa kulankii hore ka dhigay barbaro 1-1 garoonka Old Trafford, taasoo la micno ah in booskooda wareega 8da la go’aamin doono caawa.
AC Milan waxaa dhaawac uga soo laabtay Zlatan Ibrahimovic, Hakan Calhanoglu iyo Theo Hernandez.
Manchester United waxay heysataa laacibka reer France ee Paul Pogba oo dhaawac ka soo laabtay iyo Donny van de Beek, laakiin labadooduba waxay kusoo bilowdeen keydka.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa safka hore ka soo bilaabay Mason Greenwood iyo Marcus Rashford, wuxuuna ka caawiyay Bruno Fernandes iyo Daniel James khadka dhexe, halka Fred iyo Scott McTominay ay la shaqayn doonaan kubbada dhisida iyo dhismaha.
Difaaca United waxaa ku wehliya Harry Maguire, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka iyo Luka Shaw, halka goolhaye Dean Henderson uu ku soo laabtay safka koowaad, iyadoo David de Gea uu keydka fadhiyo.
AC Milan ayaa ku soo bilaabatay Calhanoglu, oo maqnaanshihiisu saameyn ku yeeshay ciyaartii hore, Krunic iyo Castillejo, halka Zlatan Ibrahimvoic uu keydka fadhiyo isagoo bedel u ah qeybta labaad haddii loo baahdo.
Ciyaaryahanadda qadka dhexe ee Milan waxaa kamid ah Kesseie, Meite iyo Saelemaekers, halka daafacyada Theo Hernandez, Tomori, Kjaer iyo Kalulu ay kusoo bilowdeen.
Shaxda rasmiga ah ee labada koox
Kaydka: Tatarusanu, A Donnarumma, Bennacer, Dalot, Tonali, Ibrahimovic, Brahim Diaz, Tonin, Gabbia