Falanqeynta kulanka Everton vs Manchester United

Falanqeynta kulanka Everton vs Manchester United
Xarunta kashifaata saddexdii macallin ee ugu dambeeyey ee Manchester United sababtooda lagu eryey ee Merseyside ayaa waxa maanta ku sugan tababare Ole Gunnar Solskjaer oo hoggaaminaya Manchester United, halkaas oo uu marti ugu ah Everton.

Ole ayaa guul laga doonayaa kaddib laba guul-darro oo uu kasoo diiwaangashaday tartamada Champions League iyo Premier League, laakiin Carlo Ancelotti oo isaguna tababare u ah Everton ayaa labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka laga soo badiyey, waxaanu u dagaallamayaa sidii ay kooxdiisu  dib ugu soo noolaan lahayd.

Toffees ayaa hoggaanka haysay laba usbuuc ka hor iyadoo horyaalka xilli ciyaareedkana ku bilaabatay si cajiib ah, balse Manchester United ayaa ku jirta waqtigeedii ugu xumaa tan iyo xili ciyaareedkii 1986-87kii, waxaanay ku jiraan kaalinta 15aad.

Red Devils ayay xaaladdeedu tagtay halkii ugu xumayd markii ay guul-darrada lama filaanka ahi kasoo gaadhay kulankii Champions League ee Arbacadii oo weeraryahankii hore ee Chelsea ee Demba Ba uu ka dhaliyey gool ay iska seexdeen difaaca United oo ay isku maleeyeen inay weerar yihiin, kaas oo keenay in si weyn loo dhaliilo kooxdan, iyadoo mid kalena loo raaciyey xilli ay xerada ganaaxa uga wada baxeen difaacu oo ay dhinac isku ururiyeen, sidii rikoodhe lagu laadayo oo kale.

Waxa uga horreysay Arsenal oo ku garaacday 1-0 Sabtidii kulan ka dhacay horyaalka Premier League, taas oo ay kusoo afjareen guulo la’aan muddo ka badan toban sannadood ka haysatay garoonka Old Trafford.

Haddii United laga badiyo kulankan, waxa la sheegayaa inay noqon doonto middii ugu dambaysay ee uu Ole Gunnar Solskjaer layliyo Manchester United, haddii se ay badiyaan, waxayna sidoo kale soo afjkari doontaa rikoodhkii guulaha kulamada martida ee ugu dheeraa dhinaca horyaalka oo toban kulan ah.

Dhinaca kale, tababaraha khabiirka ah ee Carlo Ancelotti ayay kooxdiisu siddeed guulood oo xidhiidh ah oo dhamaan tartamada ah diiwaangashatay xili ciyaareedkan balse saddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada ayay guulo la’aan ahaayeen, iyagoo sidoo kalena hal dhibic ka helay kulanka adag ee Merseyside derby oo ay Liverpool barbarro ku qabteen ka hor intii aanay Southampton iyo Newcastle si lama filaan ah iyaguna uga badin.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Everton vs Manchester  United

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 3:30 pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Goodison Park

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Everton waxa usoo laabanaya James Rodriguez oo dhaawac xubinta taranka ah kaga maqnaa kulankii Newcastle United. Lucas Digne oo laga yareeyey ganaax saddex kulan ahaa ayaa isaguna diyaar ah laakiin Richarlison ayaa wali ku maqnaanaya ganaaxii uu ku mutaystay kaadhkii casaa ee uu ku qaaday Thiago Alcantara.

Jordan Pickford ayaa kusoo laaban doona goolka kaddib ciyaar lasoo nasiyey, laakiin Andre Gomes oo ciyaartii Newcaslte ay waxyeello kasoo gaadhay ayaa la filayaa in Seamus Coleman uu beddeli doono, halka uu Ben Godfrey uu Ancelotti go’aan ka gaadhi doono.

Dominic Calvert-Lewin ayaa hoggaaminaya afka hore ee weerarka iyadoo uu doonayo inuu sii dheeraysto hoggaankiisa gool-dhalinta oo uu siddeed gool shabaqa soo taabsiiyey toddobadii ciyaarood ee horyaalka ee uu saftay.

Dhinaca Manchester United, Anthony Martial oo muddo ganaax ku maqnaa ayaa kusoo laabanaya afka hore, waxaana uu Solskjaer kala dooran doonaa Edinson Cavani iyo Mason Greenwood midka uu kusoo saddexayn doono Martial iyo Rashford.

Paul Pogba ayaa la filayaa inuu mar kale ku jiro kaydka, halka David de Gea iyo Victor Lendelof ay beddeli doonaan Axel Tuanzebe iyo Dean Henderson.

Alex Telles ayaa isaguna kusoo laabtay kooxda kaddib markii laga waayey xanuunka Korona Fayraska oo ku dhacay usbuuc ka hor, laakiin Eric Bailly iyo Jesse Lingard ayaan ciyaartan joogin.

Marcus Rashford oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay martida ahaayeen ee horyaalka kusoo lug yeeshay lix gool oo uu saddex dhaliyey, saddexna caawiye ka noqday iyo Bruno Fernandes ayaa mar kale kusoo wada bilaaban doona.

Shaxda macquulka ah ee kulanka:

Everton: Pickford; Coleman, Mina, Keane, Digne; Doucoure, Allan, Gomes; Rodriguez, Calvert-Lewin, Iwobi

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; McTominay, Fred; Greenwood, Fernandes, Rashford; Martial

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More