Fadeexaddii Ku Dhacday Xiddigii QOWMU-LUUDKA U Ololaynayay Ee

Kabtanka xulka qaranka Holland ee Georginio Wijnaldum ayaa ku fadeexadoowbay ciyaartii uu dalkiisu kaga hadhay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Netherlands oo toban ciyaartoy ku dheelaysay qaybtii dambe ayaa guul-darro 2-0 ah kala kulantay Czech Republic, waxaana kala daadiyey kaadhka cas ee daqiiqaddii 55aad lagu saaray De Ligt oo gacan ku qabsaday kubbad haddii uu fasixi lahaa halis uu gelayay goolkiisu.

Memphis Depay iyo Donyell Malen ayaa fursado badan ka khasaariyey Netherlands qaybtii hore, waxaase ay ka dhinteen khadka dhexe oo ciyaaryahannadii ay ka sugayeen inay bandhigga fiican ka sameeyaan ay aad u liiteen.

Georginio Wijnaldum oo ciyaarta soo galay isagoo gacanta ku xidhan calaamadda kabtanka oo lagu dul-dhejiyey calaamadda QOWMU-LUUDKA oo uu u ololaynayay, isla markaana uu hore usii sheegay in haddii la cunsuriyeeyo isagoo xidhan calaamaddan uu garoonka ka bixi doono ayaa fadeexad weyni usoo hoyatay.

Laacibkan khadka dhexe ayaa noqday ciyaartoygii ugu liitay xulka qaranka Netherlands tan iyo 1980kii.

Georginio Wijnaldum oo 90kii daqiiqadood ee ciyaarta dhamaystay ayaa kaliya dhiibay 10 baas, mana dhicin ciyaartoy ka tirsan xulka Netherlands oo ciyaar uu dhamaystay tiro sidaas u hoosaysa oo baas ah bixiyey.

Waxa ugu dambaysay in ciyaartoy 90 daqiiqadood dhamaystay uu dhiibo 10 kubbadood oo kaliya sannadkii 1980kii.

Gini Wijnaldum ayaa calaamaddii uu xidhay, waxay u dhashay fadeexad uu ku galay taariikhda dalkiisa oo bahdilaad ah.

10 – Georginio Wijnaldum completed just 10 passes across 90 minutes vs Czech Republic, the fewest by a Dutch outfield player to play the full game in a Euros knockout round in recorded history (since 1980). Nullified. #NED #CZE #NEDCZE #Euro2020 pic.twitter.com/5qq9NzMwLT

— OptaJohan (@OptaJohan) June 27, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More