Everton vs Man United – Ancelotti iyo Solskjaer

Laba ka mid ah kooxaha ugu fiican Premier League ayaa caawa ku tartamaya garoonka Goodison Park marka ay Everton martigaliso Manchester United wareega sideed dhamaadka Carabao Cup.

- Advertisement -

Everton ayaa soo galaysa kulankaan kadib markii ay badisay seddex ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka halka Manchester ay badisay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay.

Kubadda cagta wax badan ayey isbeddeli kartaa waqti gaaban tusaalaha ugu fiican ee hadda waa United, Ole shaqadiisa ayaa la weydiiyay labo toddobaad ka hor markii laga reebay Champions League laakiin hadda waxaa loo arkaa inay u tartamayaan Premier League.

Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale u muuqda mid ku soo laabanaya qaab ciyaareedkiisii ​​Toffees ka dib markii uu sagaal dhibcood ka soo qaatay kooxaha Chelsea, Leicester City iyo Arsenal kulamadii ugu dambeeyay.

Wararka labada koox ka hor ciyaarta

Scott McTominay, oo taariikh ka sameeyay guushii ay United ka gaartay Leeds United toddobaadkan, ayay u badan tahay inuu seegi doono kulankan dhaawac gumaarka ah.

Luke Shaw ayaa sidoo kale shaki ku jiraa inuu taam buuxa yahay ka dib markii uu keydka ka soo kacay kulankii Leeds.

Solskjaer ayaa la filayaa inuu sameeyo isbadalo dhowr ah oo uu ugu horeeyo Paul Pogba, Donny Van De Beek, Edinson Cavani iyo Alex Telles.

Juan Mata oo wacdaro ka dhigay waayihii hore, Dean Henderson, Eric Bailly, Nemanja Matic iyo Mason Greenwood ayaa dhamaantood la filayaa inay ku soo biiraan.

Ancelotti ayay u badan tahay inuu nasiyo Dominic Calvert Lewin Cup laakiin xaqiiqda ah inuu doonayo koobka Carabao Cup isla markaana uu ku dhow yahay natiijada in isbadalo badan ay miiska ka dhigeen shax xoogan

James Rodriguez oo kulamadii ugu dambeeyay ka maqnaa kooxda Everton ayaa la filayaa inuu garoomada kusoo laabto.

Shaxda macquulka ah ee labada koox

Everton: Olsen; Coleman, Holgate, Keane, Godfrey; Davies, Doucoure; Bernard, Sigurdsson, Richarlison; Calvert-Lewin

Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Bailly, Maguire, Telles; Matic, Pogba; Mata, Fernandes, Van de Beek; Cavani

MACLUUMAADKA KULANKA

Tartan: Carabao Cup

Garoonka: Goodison Park

Waqtiga: 23:00 Saacada Geeska Afrika

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More