Erling Haaland Oo Magacaabay SIDDEEDDA Weeraryahan Ee Dunida

Gool-dhaliyaha kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Norway ee Erling Haaland ayaa magacaabay siddeedda weeraryahan ee dunida ugu wanaagsan waqti xaadirkan oo uu isaguna ku jiro.

Laacibkan mucjisada ah ee dunida kaga yaabsaday goolasha tirada badan ee xili ciyaareedkii hore uu sida fudud u dhalinayay, ayaa waxa uu kusoo baxay kooxda Red Bull Salzburg oo uu wareeggii group-yada ee Champions League goolal tiro badan usoo dhaliyey.

Borussia Dortmund ayaa bishii January ee sannadkii hore waxay saxeexa Erling Haaland ku garaacday kooxo waaweyn oo Yurub ah, isaga oo halkii kasii watay goolashii aan joogsiga lahayn.

Laakiin goolasha badan ee uu dhalinayo, waxa uu haddana rumaysan yahay in aanay u goynayn inuu sheegto weeraryahannada ugu wanaagsan.

Waraysi uu bixiyey ayuu laacibkani ku magacaabay kuwa ay yihiin weeraryahannada ugu wanaagsan waqtigan dunida xilligan iyo halka uu isagu kaga jiro.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski, Sergio Aguero, Roberto Firmino, Pierre-Emerick Aubameyang, Harry Kane iyo Timo Werner ayaa intuba ka wanaagsan Erling Haaland, sida uu isagu shaqsiyan rumaysan yahay.

Laakiin weeraryahannadiisa ugu fiican, waxa aanu kusoo darin Lionel Messi oo aanu sooba hadal-qaadin, sababtoo ah, xiddiga reer Argentina ayaan lagu xisaabin weerar waxaana inta badan uu kasoo ciyaaraa khadka dhexe oo uu ugu dambayntana dhinaca goolka uga soo dhaqaaqo.

Xulashada Erling Haaland ee weeraryahannada ugu wanaagsan ayaa waxa layaab noqotay in aanu liiskiisa kusoo darin Kylian Mbappe oo lagu tilmaamo inuu yahay weeraryahanka ugu fiican dunida waqtigan.

Sidaas oo kale, Roberto Firmino ayuu kasoo dhex doortay Sadio Mane iyo Mohamed Salah, halka isaguna uu is-geliyey booska siddeedaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More